bogga murtida

Maahmaaho Xarafka A

1. Aadme la aragyaaba, dhib la arag.
2. Aan wada hadalno waa aan heshiino.
3. Aar qoyey dacawo la mood.
4. Abaal dad galaa badan, dad gudaase yar.
5. Abaal raaga rag baa leh, mid baaqdana haween baa leh, mid soo dhakhsadana xoolaa leh.
6. Abeesada taan sanqarta iyo tan aammusan, tan aamusan baa la qaatay.
7. Abeesana dhul u eki bay wax ku dishaa waadaadna dad u eki.
9. Abkeey dooli diloow, dad nool maas u dahaa
10. Aburku inta aanu kugu tufin ayaa lagu tufaa
11. Aburku intaanu kugu tufin, baa lagu tufaa.
12. Abuur iyo waano abuur baa horreysey.
13. Adduun i khatal.
14. Adduunyo ka kabo li’id, aakhirana u salaad li’id.
15. Adhi been wuu didaa beense ma dhutiyo.
16. Adhi jiri ma kala abaal waydo.
17. Adhi jiri xil bay wadaagtaa.
18. Adhi magantii ma barriiyo.
19. Adhi shidho laga daayo.
20. Adhi-jiri ma kala abaal weydo.
21. Adin waa la dhibaa, ilna waa la dhawraa.
22. Adoo nabad u balawaara, beloy kaalay lama yari.
23. Aduun wey ki amoodeey ogaaw.
24. Af aamusani marti ma sedo.
25. Af aanad aqooni aabahaa wasna waa kaa yeedhsiiyaa.
26. Af aanad lahayn ileen aamus lama dhaho.
27. Af aanad lahayn lama qabto.
28. Af ama reer aw mahdi ha ku hadlo ama lo’ ha ku daaqdo.
29. Af daboolan dahab.
31. Af hadlaaba aamus.
32. Af jabtay sideedii ma noqoto.
33. Af jooga looma adeego.
34. Af macaan gacan macaan baa dhaanta.
35. Af nooli waa hadlaa Eyna waa ciyaa.
36. Af noolina waa hadlaa eyna waa ciyaa.
37. Af waa kane, maxaa lagu aamaa 38. Af wax cunay xishoo.
39. Afar gacmood abaar ka daran (Hunguri weyni waa cudur).
40. Afar layskuma daro: Waan guuri; Waan guursan; Geel baan qaadi; Geenyaan gadan.
41. Afar waa afar: Noloshu waa Niyad; Naftu waa qaali; Nacaybku waa olol; Nabsigu waa qaraar.
42. Af-ka nool abooto mudac.
43. Afkaad goojaamo kaga keentay kula hadal.
44. Afkaagoo ku xidha oon ku furin alle goo baa la yidhaahdaa.
45. Afkii dab yiri ma guban.
46. Afxumo nabad way kaa kaxaysaa colaadna waxba kaagama tarto.
47. Ag-joog, Ninkii xilo doonayowna Xamaro agjoog.
48. Alif kaa xumaaday Albaqra kaama haro.
49. Alla aamin ma iisho.
50. Alle watow wehel uma baahna.
51. Allow aqoon xumo hannagu caabin eexona hannooga tegin
52. Allow nin aan wax ogeyn ha cadaabin.
53. Ama afeef hore lahow ama adkaysi danbe
54. Ama faro dufan leh ku qaad ama faro dac leh.
55. Ama waa la muuqdaa ama waa la maqanyahay.
56. Ammaan lama dhu-dhumiyo.
57. Ammaano cirkaa diiday, oo dhulkaa diiday, oo Aadmi baa qaatay.
58. Ammaano kugu raagtey inaad leedahay baad mooddaa.
59. Amxaar la arag yaaba ferenji xaaji.
60. Amxaaro madax gumac galay leedahaye madax hadal galo ma laha.
61. Aqal libaax lafo lagam waayo.
62. Aqoon la’aani waa iftiin la’aan.
63. Aqoon xumo abaar ka daran(qorsho xumo abaar ka daran)
64. Arin nin la toosan ayaa nin kale tuur la leh.
65. Aroos lagama raago, lagumana raago.
66. Arrad waa dan uskagse waa doqonniino
67. Arrimo rag waa mudacyo afkood.
68. Arrin aan sidii futo riyaad la feydin, ma fayoobaato.
69. Arrin kaa tagtat Ahaa sooma celiso.
70. Arrin waa mid kugu soo booddiyo, mid kugu bariday.
71. Arrin xumo abaar ka daran
72. Atoorku intiisuu guun ku yahay.
73. Awr awr wado iyo nin naagi waddi midna kaama leexdaan.
74. Awr kala guurtay uurar kala guurey baa ka xun.
75. Awrba awrka ka horreeya ayuu horraan-qaadkiisa leeyahay
76. Awrka danbe awrka hore socodkiisuu leeyahay.
77. Ayax teg eedna reeb

xarafka B

Maahmaaho Xarafka B

1. Baadi nin aan lahayn bay agjoogtaa
2. Baahiyi qof kuu daran bay kuu geysaa.
3. Baareey guur, oo sixnigaagana la guur.
4. Baddu waa isku dhadhan.
5. Badhi mag ma laha.
6. Balaayo laba qad ha kuu jirto.
7. Balaayo madax la qabtay leedahaye minjo la qabto ma laha.
8. Balaayooy buulkaagaa laga galaa.
9. Ballan habeenimo, jarmaado subax buu leeyahay.
10. Ballaysin bir ka adag.
11. Ban waraabiyo gaala baqataba baraa la helaa.
12. Bannaankaba arkaayow maxaa babac ku saaraaya
13. Bannaankiis mare maradiisa geed ma qabsado
14. Baqal fardo la miratay dhigood bay is moodaa.
15. Barasho horteed dad ha nicin
16. Barasho horteed ha i nicin
17. Barasho u yeelo geedkaad cugsan doonto.
18. Bari waaga mooyee wax san kama yimaadaan.
19. Barrooriba buulkeeday ku hartaa.
20. Bartii yaqaan, bari uma korodho.
21. Bartii yaqaannbar xoolaad kuma korodho.
22. Baruur qudhuntay baa baruuro badan qudhmisa.
23. Baruuro sabool, badhaadhaa leh.
24. Baryo badan iyo bukaan badanba waa laysku nacaa.
25. Baryo iyo is daluuc layskuma daro.
26. Basari buulkeeda bayaayo waaye
27. Baso waa baso si kastoo loo subko.
28. Bawdo rag, maalinba midbaa qaawan.
29. Beec-mushtar bilowgiis bur iyo bajiye waaye.
30. Been doode been buu dhaartaa.
31. Been fakatay runi ma gaadho.
32. Beeni raad ma leh.
33. Beentaada hore runtaada danbay u xuntahay.
34. Beentaada hore, runtaada dambey dishaa.
35. Beentaada hore, runtaada danbey u daran tahay.
36. Beer wax dhalow ba’
37. Beerka jecli, xaydha jecli.
38. Belaayo aanad guriga keensan banana kaama raacdo.
39. Belaayo guur bay ku tiraahdaa ama guurso.
40. Belaayo hor la qabtay leedahay ee dabo la qabto ma leh.
41. Belaayo kaa sii jeeda layskuma soo jeedsho.
42. Belo markay adiga kaa maqan tahay, qayrkaa bay ku maqan tahay
43. Bidaari sibiq bay kugu gashaa.
44. Bilaysini Bir ka adag
45. Bililiqo doon waa nabad diid.
46. Bil-saddex reerkaagana waa kaa kaxaysaa, reer kalena kuuma geyso
47. Bir baa bir goysa.
48. Birta adag dab ayaa lagu jilciyaa.
49. Bisayl iyo ceedhiin waxa u dhexeeya waa yac-yacood.
50. Bisqin rag bay kuu gaysaa ragse kaama celiso.
51. Biya sar tegey waa la sugayaa
52. Biyahaan fiiqsi loo liqin, iyo hadalkaan fiirsi loo oran feerahay wax yeelaan.
53. Biyo ay horotood dhooqo tahay, dabadooda maxaad mooday.
54. Biyo gorore oo meel godan bay isugu tageen.
55. Biyo meel godan bay isugu tagaan.
56. Biyo sacabbadaadaa looga dhergaa.
57. Biyo socdaa biyo fadhiyey kiciyaan.
58. Boqol sano oo dawlad xumo ah, hal habeen oo dawlad la’aana baa xun.
59. Boraan hadimo ha qodin ku dhici doontaa mooyee.
60. Buubaal biyaha korkiisa saran buu ka didaa
61. Buur caws ah oo biyo ku agyaal baadi doonyoo biciidkuba waa
62. Buurta Saw iyo Sogsogley iyo Samow Boorame

Maahmaaho Xarafka C

1. Caana daatay qabasho ma leh
2. Caano baqay haddaad aragto, waa bi’iso naagood.
3. Caano Jiilaal canba canbid.
4. Caano yar iyo ciidan yarba marka la waayo ayaa la tebaa.
5. Caasigaa iridkaaga ma mooga, baarri dadow dad kuuma noqdo.
6. Cabaabiba cadaab bay ka subxaanalaysataa.
7. Cadawgaa looma taahee, tun ku adkay.
8. Cadho walaal waa la bariyaa (waa loo dulqaataa walaalkaa).
9. Cadku ceeji, xil iyo geeriba kuu dil.
10. Calafkaa, nin ku rabaa baa haya.
11. Caleen qudhac calool geel ma buuxiso.
12. Caleen qudhac calool geel waxba kama tarto.
13. Cali noolba wax sii.
14. Calool adayg waa illaahay wehelkii.
15. Calool rag waa webi xagaa.
16. Canaan ka yaab ceesaan ma doojo(waa lagu canaanan dantaada looma seego).
17. Canaan ka yaab reer ma doojo.
18. Canbe laf baa ku jirta.
19. Canjeero siday u kala koreysaa loo cunaa
20. Caqli gaaliyo indho quraanjo lama arko.
21. Caqli: Dugaag sankuu ka galay; Xoolo, sankuu ka galay; Rag, xabadkuu ka galay; Naago, indhuu ka gala
22. Car faruurow foori gaalee?
23. Carab iyo ilkaa cid isugu dhaw iyana weeys qaniinaan.
24. Carab iyo labadiisa daan baa isugu dhaw iyana way is qaniinaan.
25. Carab loaad caws looma tilmaamo.
26. Caro walaal waa la bariiyaa (subax baa lala sugaa).
27. Carraabo, fadhaa quusiyey
28. Carrab dalab leh waa la gartaa, uur dadbanse lama garto.
29. Carruurey cayntaa ba´day.
30. Carruuri kor cabsooday leedahaye, kal cabsooda ma leh
31. Carruurta mulaca cayaar cayaar bay u dishaa, isagana waa u qur gooyo
32. Caruur gaalana ma aha muslinna ma aha ee waa kii lagu daraa.
33. Caruuri waa ciil laga waynaado.,
34. Casaan qurux kama qatana.
35. Casarkii wixii kugu dhacaa cishihii lagugu caayaa.
36. Ceeb looma dhinto, cara lalama qarxo, cayna looma dhaawacmo
37. Ceebtaaday kow ogtahay, kun looma sheego.
38. Ceel biyo lihi ma foga.
39. Ceel dad liqa, ul baa lagu dayaa.
40. Ceesaan ninkii weyddiinteda kugu dhiba kaxaynteedaa lagu dhibaa.
41. Ceesaantii arigeeda diidda orgi shisheeyaa saarta (fuula, u baxa ama ka qabsada).
42. Cid wax kusiisa wax badan baad aragtaa, cid kla talisase wax yar
43. Cidlo ciirsi m leh.
44. Ciirtaa dhamaa, ceebtaada yaqaan
45. Ciise socod kuma laabna, abeesona samir kuma laabna.
46. Cirmigaagoo dheeraadaa geel dhalayana waa ku tusaa.
47. Ciyaar baa dhab u gadoonta.
48. Ciyi waa ka beryey.
49. Ciyigii waa ka beryey qofkii cunay baa ka liita.
50. Ciyowga habeen dhawaaqay wax uu ka cawduu dareemay.
51. Col hortii baa hub la samaystaa.
52. Col iyo abaar cagahaagaa lagaga baxaa.
53. Col iyo nabad mid baa caynka lagu xejiyaa.
54. Col ku galay cabsi kugu reeb.
55. Col naago ka kacay iyo cadho nirig ka kcday midna ma sahal kuma qaboobo.
56. Colka wadhaf ma lagu dayey.
57. Colkaa ma dhamaadee ka kuu xigo ha u danbeeyo.
58. Cudud caano gaabsheen cagaar ma korsho.
59. Culimo dad u eki bay kugu dishaa, abeesona dhul u eki.
60. Cuntadaan gacantaada ku jirin iyo afkaagu way kala raagaan

Maahmaaho Xarafka D

1. Daacadi ma hungowdo
2. Daahdaahow hortiis dafo waaye (Arrin degdeg u baahan lagama daaho sida heblaayo aad ogayd ooy hebel
3. Daawo tiro wax kuma tarto
4. Dab aan ku gubin kulaylkiisa ma ogid.
5. Dab ama hadal baa lagu bakhtiiyaa ama biyo
6. Dab iyo xanuun meel ma wada fadhiistaan.
7. Dab munaafaq shiday baa duul dhan guba.
8. Dabaan kuleelkiisa la arag danbaskiisa lagama leexdo.
9. Dabada iiga qor anigaa durugsan doonee (Ma dhiirrado nin aan garab wax lagula dhisayni).
10. Dabagaale timir gaari waayey qaraara buu yiraahda’.
11. Dabalaay gooji ama ha goojin geela gu’ga dhalay uun baa lagugu tirin.
12. Dabeecad xuma dad kaa saartay.
13. Dabeecaddu diinta waa ka badh.
14. Dabkii baxayaa dab lagu qabsadaa.
15. Dacartuba mar bay malab dhashaa.
16. Dacas iyo dameeraba lama kala laha.
17. Dacas kaa wayni dhiiqaday kugu farjiyaan.
18. Dacawadii tallaabada nebiga ku dayatay, teediina ka tagtay tu kalena gaari weydey.
19. Dacawo duul-duul badan af libaaxeey dalaq dhahdaa.
20. Dad iyo weel godanba waa la badsadaa (weelka godan biyahaa ku urura)
21. Dad kaa badan iyo biyo kaa badanba way ku hanfiyaan.
22. Dad wax ugu liita ma tashe ma toshe ma tashiishe.
23. Dad wax yar tare ma ahee, wax ma tare ma leh.
24. Dad waxa ugu muran badan jaxar iyo jaahil
25. Dad waxa yaqaan nin tuugsaday iyo nin u taliyey.
26. Dad waxaa yqaan nin tuugay iyo nin u taliyey.
27. Dadku hadalkay isku afgartaan xooluhuna urta.
28. Dadqal looma gurguurto.
29. Dagaal qofbaa ku dhintee qof kuma dhasho.
30. Dagaal wiil kuma dhashee, wiilbaa ku dhinta.
31. Dal aqoon la’aan waa la habaabaa, dad aqoon la’aana waa la qadaa.
32. Daleel marow maradiis geed ma daarow
33. Dameer dhaan raac.
34. Dameer waa dameer sidii goodirkaba haw boodee
35. Dameeraha Adari qofkii oodda ka qaadaa aroorsa.
36. Dameeraha Awdal ninkii ooda ka rogaa arroorsha
37. Dameeraha ta ugu xun baa ugu haraati kulul.
38. Dameeraha ta ugu yar baa ugu biqlo badan.
39. Dameeri dhaan raacday.
40. Dameeri isku hallayn bay hooyadeed dabada uga nuugtaa.
41. Dameero awdalan ninkii ooda ka qaadaa arooriya.
42. Dameertu geel-didiska khuruf-khuruftay kaga dartay.
43. Dameertu inta aanay cida baran ayey dhuusada barataa.
44. Dameertu isku halayn bay hooyadeed dabada uga nuugtaa.
45. Dameertu ma hadhsato ilmaheedana ma hadhiso.
46. Dammeeraley Dad la xeer maaha.
47. Dan iyo xarrago is weyday.
48. Dan layskuma naco.
49. Dani waa seeto
50. Dantaada derin karkaranna waa loogu seexdaa
51. Dantaada iyo madaxaaga midna lagama boodo.
52. Dantaadana, maqaar eybaa loogu seexdaa.
53. Dantii mooge, maro duuga ka liitee.
54. Dantu ceebba ma lahee dadkuun baysku nacaya
55. Darandoorriyaaba naas-naasi (Nin ordaaba istaag
56. Dardaaran caweysin kallah arooryaad buu leeyahay (Arrin la qorsheeyey meel laga bilaaboayey leedahay
57. Dardaaran waa inta xayga la yahay.
58. Dawaco geel ma cunto.
59. Dawaco meeshay macal idood ku baratay, macaluul ugu bakhtidaa
60. Dawarsato dariiqay ku collowdaa.
61. Deero waa dal maddays.
62. Deriskaa dagaalkaaga rabaa, dooradaada ceshaas ku dhahaa
63. Deriskaaskaa marna ku dayo marna ku diin.
64. Dhabada yari dhabada wayn bay kugu ridaa.
65. Dhac dushii laguma wada hadlo.
66. Dhadhan shaa waalan dhergaana ka sii daran.
67. Dhagar qabe dhulkaa u dhaq-dhaqaaqa
68. Dhagax meel dhow buu ku dhacaa, hadalna meel dheer
69. Dhagax tuujin iyo taabasho waa isugu mid
70. Dhalaan dheelaa baradi, dhusuntaa far koo galiyee?
71. Dhalaan dheelaa baradi,dhusuntaa far koo galiyee = Dhalaan (caruur,ilmo,ubad)ciyaarta bartay dabaduu
72. Dhalaan qayladu waa qaboonada.
73. Dhaliili dhaban bay ku taal.
74. Dhalinyaro dhubuq dhubuq hore dhabana hays danbay leedahay.
75. Dhallaan dhargay fartaa loo lulaa (way iska qoslayaan)
76. Dhallaan qayladii waa qaboonada.
77. Dhar kaa dheer dhaxan kaama reebo.
78. Dhaxal gorayo dhabad baa leh.
79. Dhaxal goroyo dhebed baa iska leh.
80. Dhedo roob noqon weydey
81. Dheere iyo gabane un baa jiree, Dhuubane majiro.
82. Dheerow ii gaabow yaa jaree, dhuubow ma jaro.
83. Dheg haddii la jaro daloolkaa hara.
84. Dheg wax xun maqlaysaa wax wacan ma weriso.
85. Dhegta hadii la gooyo daloolkaa hadha.
86. Dheriga karkaa maxaa ka keenay, kulayl weeye.
87. Dhib lagula qabo dhib ma eh.
88. Dhicisku inta mindida loo soo siduu bakhtiyaa.
89. Dhidar xabaalo qod bartay qudhin buu uga dhacaa.
90. Dhiig islaan ma qarsoomo.
91. Dhiil maran iyo dhiil buuxa la iskuma dhufto (Wax aan isu qalmi la isma dhaafsado).
92. Dhilaa la waaniyey markaasay tidhi ii dhakhsada rag bay sugayee.
93. Dhillo, intaadan dhillo oran bay dhillo ku tiraahdaa
94. Dhilo garcatay mar horey ku nabad gashay.
95. Dhoofaa kaa dhimay! (bal tan ka warran, ma run baa?)
96. Dhoofaa kaa dhimay.
97. Dhool bari ka soo kacaa dhaan loo nageeyaa.
98. Dhubuq-dhubuq hore dhabanahays dambey leedahay.
99. Dhur waa la tegis bartay ka ridistu waa ku ceeb.
100. Dhurwaa dhoomo laguma rarto.
101. Dhurwaabaa lagu yidhi fool xumadaa, markaasuu yidhi walaalkay weerana ma aragteen.
102. Dhuumashada dhabarku muqdo dhuumasho ma aha.
103. Dib u gurasho dib bay kuu dhigtaa.
104. Dibi hooyo xumi hore uma koro.
105. Dibi hooyo xumi korme ma noqdo.
106. Dibi hooyo xumi, hore ma noqdo.
107. Dibi, bay waw dhutiyaa.
108. Diidiink weelshee deymoodaa ka koriyee ma danbar manuujiyaaw = Diinku ubadkiisa eegmaduu ku koriyaa.
109. Dix dhaaxood dhagax ka waa, hayeesa hangool ka waa
110. Dixrigu(duqsigu) dantiisuu qudhunka ugu jiraa.
111. Doc ka yeedh iyo dameerkaba daankaa la jebiyaa.
112. Doofaarka ficil la’aan baa loo cadaabaa.
113. Dooro hadey hal waddo iyo hadey toban waddo Kurug ,Kurug ma Dhaafeeyso……
114. Dooro hadey hal waddo iyo hadey toban waddo kurug, kurug ma dhaafeeyso.
115. Dooro qoor qabasho biyo kuma cabto.
116. Dooro xaarka way wada cuntaa, af-tirashadeyse isku dhaantaa.
117. Doqon alle bariday xeradeeday ka aragtay.
118. Doqon dib bay wax ka garataa.
119. Doqon ha u gargaarin hana gargaarsan.
120. Doqon iyo habeen baa madaw.
121. Doqon milantay iyo geesi damac bartay dhexdoodaa miidaamo ka hacdaa.
122. Doqon nebi Muusaa habaaray
123. Doqon qaddar alla taqaanna qulucdaada looma dhiibto.
124. Doqon sokeeye maaha.
125. Doqoneey dabkaa ba
126. Doqoni amaanay lahayn bay u rixisaa.
127. Doqoni cad ciid loogu riday cay bay mooddaa
128. Doqoni calaf ma leh.
129. Doqoni haddii nla xifaaltamo in la is diriray bay mooddaa.
130. Doqoni hoosiis bay had mooddaa.
131. Doqoni meeshii la isku diriray uun bay ogeyd, meeshii lagu heshiiye sema oga.
132. Doqoni qiiq kama kacdee daamankay meer meerisaa.
133. Doqoni saaf carro loogu riday, sad bursiinyo ma mooddo
134. Doqoni sokeeye ma aha.
135. Doqoni waxay leedahay laba iyo toban indhood, hal mid waxay ku aragtaa.
136. Doqoni xarigga lagu xiri xusulladay ku sidataa.
137. Doqoni xin mooyiye, xisaab ma oga.
138. Doqoniino waa shil.
139. Doqonkii lumay oo la soo helay wuxuu yiri; “Maxaa la iiga farxi berriba waan lumiye.
140. Doqonta usha agteedaa lagu dhuftaa haday garan waydana goshaa oo geshaa.
141. Doqontu afka xanbay ku sidaa ishana xil.
142. Doqontu hadalkay dib u gocotaa*
143. Doqontu marka la ficil tamayo in laka tagayo ayey moodaa.
144. Doqontu xeerna ma hoyso, xoolana ma hoyso.
145. Dudumo dheeraataa dhulkuun bay ku noqotaa.
146. Dudun dareen ii dugsasho inis ki dartooy = Dudun dareen iyo dugsasho,ha iskugudarin.
147. Dudun dareen ii dugsashu inis ki dartooy.
148. Dukhsi biyo ku dabaal bartay fuud buu ku bakhtiyaa.
149. Dukhsi dantiisuu dumurka (qudhunka) ugu jiraa.
150. Dukhsi dantiisuu dumurka ugu jiraa.
151. Dukulush timir deeri waayi Kharaaraa tuf in erre?
152. Dul qaadasho yey noqon tii dibiga
153. Dumaal ni ka xishooday kama ilmo dhalo.
154. Dumar iyo dheri toona yar yaraysi malaha.
155. Dumar yaryaraysi male
156. Dumarka been baa lagu soo xero geliyaa runa waa lagu dhaqaa.
157. Duqsi, caanuu ku dabaal bartaa fuudbuuse ku gubtaa
158. Durduro geel baa ku jaba.
159. Durduro waxarood xanan(qodax) bay kula gashaa.

Maahmaaho Xarafka E

1. Erray nimaan dhaafin odday ma dhalin.
2. Ey is cunaysaa waraabe iskama celiso.
3. Eydin geel kolba waa ninkii ku danbeeya.
4. Eygii oo laf diiday ma noola.

Maahmaaho Xarafka F

1. faan badan iyo faq badaniba na wacna.
2. faanoole fari kama qodna
3. fadhi iyo fuud yicibeed laysku waa.
4. falaadhi gilgilasho kaagama godo.
5. Fallaartii cirka loo ganay cid kastoy filo
6. Far bugtaa, Faro ka dheer.
7. Far iyo meel bugtaa is og.
8. far kaliyihi waji ma maydho.
9. Far keliya Fool ma dhaqdo.
10. faras aanad lahayn fuul madiisa futaqaradh baa laga qaadaa
11. Fardaha dheereeyaa Fagaarahay isku arkaan.
12. fardo laysu hayo maxaa laysugu faan.
13. farihii dufan leh ayaa wax duuga.
14. faro ka ciyaar dabo ka ciyaar baa dhaanta.
15. Farsamo xumo, futada cankeeday ku goysaa
16. Faruurow maxaa berbera ku geeyey? Dee faduul!
17. fulay hooyadii ma goblanto.
18. fulay wax ka wadne weyn.
19. fulay wax ka qoryo badan.
20. fullaw guuli kuu dhawaydaa.
21. Futo iyo dhul isma huraan.

Maahmaaho Xarafka G

1. Gaal dil gartiisana sii
2. Gaashaan qaad ma anbado.
3. Gabadh nin dhali karaa dhiqi kara
4. Gabadha dheg-dameer in leeg baa ku dansanta wiilkana in til leeg baa ku darsanta
5. Gabadhi waa meel xun joog.
6. Gacani waa miskiin.
7. Gacantaadu hadday dhudhub gasho, lagama dhuftee waa laga dhirindhiriyaa.
8. Gacantii oodan goyn karin, waa la shumiyaa?
9. Gacmo wada jirbay wax ku goyn karaan.
10. Gadal gadaal geed looma koro
11. Gadhba gadhbaa la tusaa.
12. Gar dabadeed, guu-guu (gunuunuc) baan nacay
13. Gar waa loo wada islaam
14. Gardarraa ma guulaysto
15. Gardarro looma garbo yeelo.
16. Gari ilaahay bay taqaan
17. Gari laba nin kama wada qosliso.
18. Gaws iyo gustoona layskuma ag dhaqdhaqaajiyo.
19. Geed joog gartii waa yaqaan, laga dhimayna dhaxalkii waa yaqaan.
20. Geed walba in gubtaa, waa hoos taal.
21. Geel carruuri qaaday ma foga.
22. Geel caruuri qaaday ma foga.
23. Geel darreeray nin ka dayrshay ma awliya allaa
24. Geel indho kuul muxuu ka kasaa?
25. Geel laba jir soo wada mar.
26. Geel soddon qaday, saddex kuma dari waayo
27. Geeli waa geel, wixii gooyaana waa geel.
28. Geel-jire isagooy ushu u goantahay ayuu xaggeen ka goostaa ku yidhaa.
29. Geeljire, geela waa wada jirtaa, waana kala jirtaa
30. Geelow geed walba daaqdaye, markaad ciin daaqdaa laguu yaabaa.
31. Geeri nimaan aqoon iyo geel jiray ku wanaagsantahay.
32. Geeriyu nin aadan aqoonin iyo geeljiray ku roomntahay.
33. Gees loaad kulayl kaa lagu jaraa.
34. Gees lo’aad kulaylkaa lagu gooyaa.
35. Geesi allaahay ma xilo.
36. Geesi, alle ma xidho.
37. Gobanimo waa joome.
38. God hadimo ha qodin, haddaad qoddana ha dheerayn, ku dhici doontaana ma ogid
39. God mar ku asturay xumaantiisa lama sheeg sheego
40. Gorayo la hub sayoo haad bay noqotay.
41. Gorgor, haadda ka weyn.
42. Gorgortan saaxiib iyo walaal toona ma yaqaan.
43. Gudineey ima goyseen, haddaan badhkay kugu jirin.
44. Gudini geed ma goyseen, haddaan geed kale ku goyn.
45. Gumur uraasa, weyne gurudee (gumur wey urtaa waana lagurtaa)
46. Gurbaan garabkaaga ha kuugu jiro ama gacalkaa hakuu hayo.
47. Guur marka hore waa sino dhuuban yahay, marka dambena waa sino ballaaran ahay.

A -B -C -D -E -F -G -H -I -J -K -L -M -N -O -P -Q -R -S -T -U -V -W -X -Y -Z

H TOP

——————————————————————————–

»

Maahmaaho Xarafka H

1. haad habeen kacay waxbaa kiciyey.
2. haani guntay ka tolantaa.
3. habaar waalid ma hadho.
4. habar baas inan baas bay ahayd.
5. Habar caal weydey durey bay hafartaa
6. habar dhali wayday aleelo ku waalatay.
7. Habar fadhida legdini wax uga fudud
8. Habar Jeclo, hadalka dib bay u gocotaa
9. Habar roob hayo, ta kalena inuu hayey modaa.
10. Habeen ciidan maaha
11. habeenkii hoos baa loo hadlaa maalintiina hareera haa layska eegaa.
12. hadal aan fiiro loo odhani wuu kula fogaadaa, caano aan fiiqsi loo dhamina feedhahay wax yeelaan.
13. hadal badani haan ma buuxsho.
14. hadal hadal kama dheera.
15. Hadal intaadan buu ammaan yahay
16. Hadal iyo hablaba duco la’aan bay tarmaan.
17. Hadal iyo hilbaba kala qalan.
18. hadal lama wadaagee caanaa la wadaagaa.
19. hadal nin badiyeyna ma dhamayn nin yareeyeyna waxba kama tegin.
20. Hadal nin badiyeyna ma wada odhan, nin yarreeyeyna kama wad tegin.
21. Hadal nin si u yiri, ninna si u qaaday
22. hadal tuurtuur kuma sama.
23. hadal waa dheh iyo dhagayso.
24. Hadal waa la kala odhan og yahay illaahayna waa la kala bariyi og yahay.
25. hadal waa margi.
26. Hadal waa mergi hadba meel u jiidma
27. hadal waayeel waa guudmar..
Hadal yar iyo hawl badan.
28. hadalaw nin si kuu yidhi hawraarayna ninba si kuu qaaday.
29. hadalka kiisa kulul iyo kiisa qaboobi meel buu isugu tagaa.
30. Hadalka wanaagsani waa sadaqo
31. hadalku intuu uurkaaga ku jiro ayuu amaanadaa yahay.
32. Hadalku intuu uurkaaga ku jiro ayuu ammaano yahay.
33. hadalna sii dhehbaa diley hanbana sii hudhbaa dishay.
34. haday fooli timaado gudo qarsiimo reeban.
35. hadba sidii loo jabaa loo dhitiyaa.
36. haddaad been sheegayso been run u eeg sheeg.
37. haddaad hungurooto waa la hadlaa oo habaa la dhisaa wax laug helo.
38. haddaad tagto meel lagu il laayahay ishaa layska ridaa.
39. Haddaan sacabka xeeli ku jiran, maxaa habeenkii loo tumaa.
40. Hadday curaddii durdurisay aaran maxaad moodday.
41. Hadday degdegsiiyo door dhalaan, kaadsiiyana kiish lacageey dhalaan
42. Hadday tubaako, faa’iido leedahay Habargidir baa liqi lahayd.
43. Haddii aan la kala roonaan roob ma dao
44. Haddii uu deg degsiinyo door dhalo raagsiin yuhuna kiish lacaguu dhalaa.
45. Haddii lagu sheego waa lays sheelaa, haddii lagu sheelana waa lays sheegaa.
46. hadii aad dhimanayso dhareerkaa layska duwaa.
47. Hal diidaysaa geed ay ku xoqato ma weydo
48. Hal libaax arkaysaa ma godlato.
49. Hal libaax arkaysaa ma godlato.
50. Hal maqaarka diidaysaa daldalool bay ka eegtaa.
51. Haliba wiilkay korisaa, wedkeeda leh.
52. halmaan hadal kuma jiro.
53. Hamba soor ma eh
54. Hangaraarac lug uma dhutiyo.
55. Harag sagaaro iiga kac ma ahee iiga durug ma leh.
56. Hasha naasa adag iyo weedha (hadalka) maxaa kulmiyey
57. Hashu ragaadka, maysku eryeysaa, mise wayska bixinaysaa.
58. Hawli jid caddeysay.
59. Hawo iyo hoos galbeed labadaba lama gaadho.
60. Heeraa wan ma eh??
61. Heesta geelu waa kala horreysaa.
62. Hilib beer laga dooray waa weyd.
63. Hilib hal dukhsi ayaa qudhmiya
64. Hillaac biyihiisuu muujiyaa.
65. Hoonbaro libaax bay soo wadaa.
66. Hooyadii ka guure habar yartii kuma negaado.
67. Hubkaaga iyo hayinkaaga, midna laguma hodmo.
68. Hubsiimo hal baa la siistaa.
69. Hunguri wax ka weyn la mariyaa wuu dillaacaa
70. Hunguri weyni kuunto weyni baa laga qaadaa
71. Hunnu hunnu hadal maaha, himbiriirsi arag ma aha
72. Hurdo cagahay ka bilaabataa.
73. Hurdo habar ma koriso.

by DR;liibaan mukhtaar rabadaan
email:rabadaan1@hotmail.com

July 27, 2008
taariikhdii soomaliyeed
Posted by rabadaan under sawiro jacayl (edit this)
No Comments
_________
____

July 1, 1960 – Xorriyadii iyo midowgii dadka Soomaaliyeed qaybtii laga soo bilaabo dabayaaqadii qarnigii 19aad ay gumaysan jireen Ingiriiska iyo Talyaanigu.
July 1, 1960: Madaxweynihii u horeeyey ee Soomaaliya waxaa noqday Aaden Cabdulle Cismaan Daar (Aaden Cadde), waxana uu madaxweyne ahaa ilaa June 10, 1967, markaas oo doorasho uu madaxweynanimada kula wareegey C/rashiid Cali Sharmarke.

Jan 1962 – Nelson Rolihlahla MANDELA ayaa u mahad celiyeey afar wadan oo ay ka mid tahay Soomaaliya. Mandela waxa uu ka khudbaynayey shirkii Pan-African ee lagu qabtay Addis-Ababa, asagoo u mahad celiyey afar dal ee Afrika** xilligaas ka mid ah dalalka xorta ah, kuwaas oo kulankaas joogey, kuwaas oo ahaa Somalia, Ethiopia, Sudan iyo Tanganyika. Waxana uu Mandela dalalkaas uga mahad celiyey sida ay cunaqabataynta siyaadadeed iyo mid dhaqaale u saareen dawladii markaas midab takoorka ku haysatey Koonfur Africa iyo sida ay dalalkaasi magan gelyo u siiyeen qaxootiga reer Koonfur Afrika.

June 10, 1967: Waxaa Soomaaliya madaxweyne ka noqday C/Rashiid Cali Sharmarke. October 15, 1969 ayaa la diley C/rashiid isagoo booqasho ku maraya Laascaanood. [C/rashiid Cali Sharmarke waxa uu noolaa intii u dhexeysey 1919 ilaa October 15, 1969].

Siyaad Barre
Oct 21, 1969 – Inqilaabkii loo bixiyey ‘inqilaabkii aan dhiigu ku daadan” ayaa ka dhacay Soomaaliya, waxaana sidaas xukunka ku qabsaday Jenaraal Maxamed Siyaad Barre.

Oct 21, 1972: Waxaa si rasmi ah loo qoray Afka Soomaaliga oo wixii xilligaas ka horeeyey aan qornayn, balse Soomaalidu weligood ku hadli jireen.

Jan 23, 1975 – Culimo Soomaaliyeed ayaa ka dhiidhiyeen sharci ay soo rogtey xukuumadii Siyaad Barre ; sharcigaas oo ka hor imaneyey Qur’aanka (Xukunka Allah). Maadaama ay dadka Soomaaliyeed oo 100% muslim sunni ah u cuntami weydey xukunkaas ayey culimadu gadoodeen; waxaana loogu jawaabey in toban culimadii ka mid ah lagu xukumay dil; waxaana culimadaas Muqdisho lagu toogtey 23/1/1975.

April 9, 1978 – Waxaa dhicisoobey Inqilaab lala maaganaa in lagu rido xukuumadii Siyaad Barre. Waxaana la toogtey 17 kamid ahaa ragii inqilaabka lagu tuhmay oo uu kujirey Col. Maxamed Sheekh Cismaan oo ahaa hogaaminayey Inqilaabka. Xilligaas ayuu C/Laahi Yuusuf ka baxay Soomaaliya maadaama uu kamid ah raggii ku jirey fulinta Inqilaabkaas. [Inqilaabku wuxuu ku qorshaysnaa inuu dhaco April 12, 1978, laakiin wuu ka soo hormaray oo wuxuu dhacay taariikhdu markay ahayd April 9, 1978 waana uu dhicisoobay.*]
Xasuuqii Boorama 30 Jan 1984

Sept 1978 – Col. Cabdullaahi Yuusuf ayaa asaasay mucaaradkii ugu horeeyay ee taariikhda dalka soomaaliya, waa jabhadii (SSF) taas oo bishii October 1981 isu bedeshey (SSDF).

Janaayo 30, 1984: Weerar diyaaradeed ee ay la beegsatay Boorama waxay ku xasuuqday 37 arday oo da’doodu udhaxaysay (6-14)sano iyo 4 macallin, halka dhaawucuna kor u dhaafay 39 arday iyo 5 macalin , waxaa kaloo dadka ku nafwaayay weerarkaas kamid ahaa 4 hooyo oo xaamilooyin ahaa kuwaasi uu sugnaa MCH-ka….

Aug 7, 1990 – Jabhadihii SNM (oo la saasay April 1981), USC (oo la asaasay 1989) iyo SPM (oo la asaasay March 1989) ayaa u midoobey sidii ay u tuuri lahaayeen xukuumadii Siyaad Barre.

Jan 27, 1991 – Siyaad Barre ayaa ka baxay Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, jabhaduna ay halkaas qabsatay.
Caydiid
Cali Mahdi

Nov 17, 1991 – Awood ku dagaalankii u dhexeeyey qabqablayaasha dagaalka ee Maxamed Faarax Caydiid iyo Cali Mahdi Maxamed ayaa isu rogey dagaal. Kumanaal shacab ah ayaa ku dhintay dagaalkaas.

March 3, 1992 – Qabqablayaashii iska soo hor jeedey ayaa wada saxiixday heshiis xabbad joojin ah oo ay soo abaabushey Qaramada Midoobey, laakiin waxay qabqablayaashu ku heshiin waayeen sida loo maaraynayo xabbad joojinta.

April 24, 1992 – Golaha ammaanka ee Qaraamada Midoobey ayaa ogolaaday in Soomaaliya loo diro 50 qof oo korka ka ilaaliya xabbad joojintii la kala saxiixday iyo Siyaad Barre oo dalka isga baxay.

Sept 19, 1992 – Qabqablaha dagaalka ee Maxamed Faarax Caydiid oo ku laabtay Muqdisho, isla mar ahaantaasna diidey in la keeno ciidamada nabad ilaalinta.

Dec 3, 1992 – Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa go’aamiyey in Soomaaliya loo diro ciidamo hubaysan oo nabad ilaalin ah oo uu hogaaminayo Maraykanku.

Dec 9, 1992 – Ciidamada Badda ee Maraykanka oo caga dhigtay xeebta Muqdisho, ayagoo watay magacii ahaa “Hawlgalkii Rajo soo celinta”.

Jan 15, 1993 – Wadahadal ay soo qaban qaabisay Qaraamada Midoobey oo lagu qabtay Addis Ababa, ayaa maleeshiyooyinkii iskaga soo hor jeedey Soomaaliya ay ku kala saxiixdeen heshiis ay ku joojinayaan dagaalka, heshiiskaas oo kamid ahaa heshiisyo badan oo ay kala saxiixdeen.

May 4, 1993 – Maraykanka ayaa hoggaaminta ciidamadii hawl galka ka wadey Soomaaliya ku wareejiyey Qaramada Midoobey.

Oct 3, 1993 – Sideed iyo toban ka tirsan ciidamada Maraykanka iyo hal askari oo Malaysian ah ayaa la diley, waxaana la dhaawacay 74 Maraykan ah kaddib markii Muqdisho lagu soo ridey labo helicompter oo Maraykanku leeyahay, meydkii askarta la dileyna lagu jiidey wadooyinka Muqodisho. Waagii dambe arrintas waxaa laga sameeyey filim la baxay “Black Hawk Down”.

March 28, 1994 – Hawlgalkii Maraykanku ka wadey Soomaaliya ayaa si rasmi ah loo soo afjaray.

Jan 2, 1995 – Maxamed Siyaad barre ayaa ku geeriyoodey magaalada Lagos, Nigeria. [Siyaad Barre wuxuu noola aintii u dhexaysey 1919 ilaa January 2, 1995]

Feb 28, 1995 – Ciidamada badda ee Maraykanka iyo ciidamada Talyaaniga ayaa ka qayb qaatay daad gurayntii ciidamadii Qaramada Midoobey lagga daad gureeyey Soomaaliya.

Aug 1, 1996 – Maxamed Faarax Caydiid ayaa u dhintay dhaawac soo gaarey. [Caydiid waxa uu noolaa intii u dhexeysey December 15, 1934 ilaa August 1, 1996]

Haamaha Sunta: Waa kuwaa…
1997 / 1998 – Jariidad kasoo baxda dalka Talyaaniga oo lagu magcaabo Famiglia Cristiana ayaa daabacday qoraalo xiriir ah oo si waadax ah u faahfaahinaya eedaymo la xiriira sunta lagu duugay Soomaaliya oo ay jariidadu magcawday labada shirkadood ee kala ah Achair Partners (Swiss), iyo Progresso (Italian). Baaritaankaas jariidada waxaa ka dambeeyey in European Green Party ay warbaahinta u soo bandhigeen isla mar ahaantaasna ay baarlamaanka Yurub u gudbiyeen nuqullo kamid ah heshiis ay kala saxiixdeen labadaas shirkadood iyo nin matalayey “madaxweynihii maamulkii Muqdisho markaas” Cali Mahdi Maxamed, heshiiskaas oo ahaa in Soomaaliya lagu duugo sun [toxic waste] miisaankeedu dhan yahay 10 million tonnes, taas oo looga beedeshey $80 million oo doolar. Ilaa xilligaas wixii ka dambeeyey Cali Mahdi waxa uu diidanaa in uu arintaas ka hadlo, in kasta oo baarlamaanka Talyaanigu baaritaan dambe oo uu sameeyey uu ku cadeeyey in heshiiskaasi dhacay. Heshiiskaasi wuxuu dhacay December 1991, waxaana Cali Mahdi Maxamed “maamulkisii” u saxiixay “Wasiirkiisii Caafimaadka” Nuur Cilmi CUsmaan ( Nur Elmy Osman ). Waxaana qorshuhu ahaa in sannadkiiba Soomaaliya lagu duugo sun miisan keedu dhan yahay 500,000 tons.

May 2, 2000 – Shir Soomaalida lagu heshiisiinayey ayaa ka bilowday Tuulada Carta ee Dalka jabuuti, shirkaas oo ay ka qayb galeen in kabadan 2,000 oo Soomaalida hoggaamiyayaasheeda ah.

Dr. C/Qaasim
Prof. Galayr
Aug 13, 2000 – Waxaa dhidibada loo taagey dawladii kumeel gaarka ahayd, dawladaas oo la siiyey muddo saddex sano ah in ay heshiis ka dhex dhaliso dadka Soomaaliyeed. Waxaa dawladaas madaxweyne u noqday C/Qaasim Salaad Xasan, ra’iisul wasaarena Cali Khaliif Galayr.

June 5, 2001 – Maxamed Cawaale Liiban oo ahaa ninkii sameeyeey calanka Soomaaliya ayaa ku geeriyoodey magaalada Toronto ee dalka Canada.

May 3, 2002: Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal aya ku geeriyoodey magaalada Pretoria ee dalka South Africa. Cigaal waxa uu noqday ra’iisul wasaaraha Soomaaliya intii u dhexeysey 26kii June 1960 ilaa 12kii July 1960. [Cigaal waxa uu noolaa intii u dhexeysey August 15, 1928 ilaa May 3, 2002].

Oct 15, 2002 – Shirkii 14aad ee nabadaynta Soomaaliya ayaa ka furmay magaalada Eldoret ee dalka Kenya.

Sept 15, 2003 – Waxaa lagu heshiisey axdiga kumeel gaarka ah ee Soomaaliya iyo in dawlada la dhisayo ay cod-bixin dalka Soomaaliya ku gaarsiin doonto muddo shan sanadood ah, taas oo ku xigtay markii uu dhammaaday waqtigii saddexda sano ee dawladii hore ee kumeel gaarka ahayd. Dawladan cusub waxaa loo bixiyey DFKMG (Dawlada Federaalka Kumeel gaarka ah).

Aug 2004 – Waftiyadii ka qayb galayey shirka Soomaalida uga socdey Kenya ayaa doortay 275-xildhibaan, kuwaas oo lagu soo xulay hab qabiil oo loo bixiyey 4.5.
Col. C/Laahi
Prof. Geelle

Oct 10, 2004 – Baarlamaanka FKMG ayaa C/laahi Yuusuf Axmed, oo ay Itoobiya taageersan tahay, ayey u doorteen madaxweynaha DFKMG ee Soomaaliya.

Nov 3, 2004 – Madaxweynaha DFKMG ayaa ra’iisul wasaare u magcaabay Cali Maxamed Geedi.

Dec 1, 2004 – Ra’iisul wasaaraha la doortay Cali Maxamed Geedi ayaa dhaariyey xukuumadiisa oo ka koobnayd 27 wasiir.

Jan 31, 2005 – Waxaa magaalada Muqdisho ay dabley hubaysani toogasho ku dileen sarkaal Soomaaliyeed oo lagu magcaabi jirey Hersi Cumar Dhorre, taas oo loo macneeyey in lagu wiiqayey awooda xukuumada cusub DFKMG.
– Midowga Afrika ayaa kulankoodii lagu qabtay Nigeria, waxay ku ansixiyeen in Soomaaliya loo diro ciidamada shan dal oo ka tirsan Afrikada Bari (IGAD) si ay dawlada cusub ee Soomaaliya uga kaalmeeyaan sidii ay u tegi lahayd Soomaaliya. Shantaas dal oo ah: Djibouti, Eritrea, Ethiopia, Kenya, iyo Sudan.

Feb 9, 2005 – Cusmaan Cali Caato (oo ay hay’adda Reuters ku tilmaantay: Qabqalaha Dagaalka ahna wasiir katirsan dawlada) ayaa Soomaalida waxa uu ugu baaqay in ay weerar kala hor yimaadaan ciidamada nabad ilaalinta ee taageeraya dawlada Soomaaliya, ciidamadaas oo ka imanaya dalka Itoobiya ee xurgufta taariikhiga ay ka dhaxayso Soomaaliya.

Feb 24, 2005 – Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa doorashadoodii kadib markii ugu horeysey ku laabtay Somaaliya, waxayna ka degeen magaalada Jawhar. Waxayna safarkaas kusoo mareen Beledweyne, Galkacyo, Boosaaso iyo Baydhabo.
Xubanaha Baarlamaanka DFKMG oo kuraas isla dhacaya…

March 17, 2005: Gudoomiyaha baarlamaanka DFKMG, Shariif Xasan Sh Aadan, ayaa kulan uu Nairobi ku yeeshay baarlamaanka DFKMG kaga dhawaaqay in baarlamaanku isku raacay in aan Soomaaliya la keenin ciidamo ka socda wadamada safka hore kadib markii loo qaaday cod far taag ah, waxyar ka dib markii ay suurta gali waysay dagaalna ka dhacay in codka qarsoodiga ah loo qaaddo ciidamadda safka hore in la geeyo soomaaliya, waxana soo xaadiray xildhibaano gaarayay 217 Waxaa diiday safka hore 156, waxaana ogolaatay in la keeno safka hore 55, halka 6 ka mid ahina ay ka gaabsadeen, sidaas ayaana lagu ansaxiyay in baarlamaanku diiday ciidamadda wadamada dariska la ah soomaaliya. Kaddib waxaa baarlamaanka ka dhacay dagaal feer iyo gacan iyo laad la isla dhacay, kuraasna la isu adeegsadey, qayb xildhibaanada ka mid ah ayaana halkaas dhiig lagaga daadiyey.

April 29, 2005 – Ra’iisul wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa markii ugu horeysey u duulay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, si uu u xaliyo khilaafka dawlada soo kala dhex galay ee ku saabsan halka ay dawladu degi doonto iyo arrimha la axiriira ciidamada nabad ilaalinta.

May 3, 2005 – Qarax ayaa ka dhacay garoonka ciyaaraha Muqdisho (stadium Mogadishu) halkaas oo uu ka khudbaynayey ra’iisul wasaare Geedi, qaraxaas oo keenay dhimasho iyo dhaawac.
Sh. Xasan
Prof. Dalxa

May 11, 2005 – Xildhibaan tiradoodu dhan tahay 152 ayaa Nairobi ku yeeshay kalfadhi uu dalbaday Madaxweynaha DFKMG, C/Laahi Yuusuf, kalfadhigaas waxaa Baarlamaanku ku ansaxiyey in dowladu dagto Baydhabo iyo Jowhar iyo in ciidamo ka socda Midawga afrika (Suudaan & Uganda) (iyo carab) la geeyo Soomaaliya . Kulankaas waxaa ka maqnaa Gudoomiyaha Baarlamaanka, Shariif Xasan. Waxaa shir gudoomiye ka ahaa gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka, Prof Maxamad Cumar Dalxa.

May 12, 2005 – Shariif Hasan Sheikh Aaden oo ah afhayeenka Baarlamaanka KMG ayaa sheegay in uu aadi doono Muqdisho, isla mar ahaantaasna xubnaha kale ee Baarlamaanka ku qancin doono in ay u raacaan Muqdisho, halkaas oo uu sheegay in kulanka labaad ee Baarlamaanka lagu qaban doono. Waxaa si cad u soo shaac baxay kala qaybsanaanta DFKMG ay ku kalaqaybsan tahay meesha ay degeyso dawladu: Muqdisho mase Jawhar & Baydhabo.

May 13, 2005 – Midowga Afrika ayaa Addis-Ababa kaga dhawaaqay in ay Soomaaliya u diri doonaan 1,700 oo askari, kuwaas oo ka qayb qaadanaya (ammaanka) dib u celinta dawlada Soomaaliya loogu dhisay Nairobi. Ciidamadaas waxaa habeenimadii Khamiista (May 12, 2005) ansixiyey qaybta Midowga Afrika u qaabilsan ammaanka. Ciidankaasi waxay ka iman doonaan labaad dal ee kala ah: Ugandha iyo Suudaan. Ra’iisul wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geedi, oo marka go’aankaasi dhacayey ku sugnaa Addis-Ababa ayaa sheegay in Soomaaliya aqbashay in ciidamadaas la keeno, isla maalin ka hor ayey ahayd markii Addis-Ababa uu ka sheegay Ra’iisul wasaraha Itoobiya in Muqdisho ay joogaan waxa uu ugu yeeray “Argaggixiso” eedayntaas oo caado u ah Zenawi oo aan marna xusin qadiyada dhabta ah ee u dhexaysa Soomaaliya iyo Itoobiya taas oo ah: Dhul & Dad ay gumeysato Itoobiya..

Jun 13, 2005 – Dawlada FKMG oo bilowday geedi ay ugu guureyso Soomaaliya, kana guureyso Nairobi oo ay ku sugnay 9 bilood: MDFKMG, Cabdullaahi Yuusuf Axmed, ayaa khudbad sagootin ah waxa uu u jeediyey reer kenya, halkaas oo ay dawlada Soomaaliya ku sugnayd ilaa markii la soo magcaabay (Oct 2004). Waxaa halkaas kusii sagootiyey madaxweynaha kenya, Mwai Kibaki. Sagootintaas oo lagu qabtay guriga looga arrimiyo Kenya ee loo yaqaan “State house” waxaa goob joog ka ahaa ra’iisul wasaaraha DFKMG, Cali maxamed Geedi, iyo xubno ka tirsan labada gole ee DFKMG. Madaxweynaha waxa uu u safrayaa dalka Qadar, ra’uusul wasaaruhuna jawhar, baarlamaanka oo la kaladiray (June 12, 2005) iyo golaha wasiiradu waxay u safrayaan gobolada kala duwan ee dalka.

June 25, 2005: Dowlada Yeman ayaa ku guulaysan waysay in ay heshiis gaaraan Madaxweynaha iyo guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG, kadib wadahadalo ay dowlada Yemen uga furtay magaalada sanca ee dalka yaman. Kulamada la isku soo hor fariisinayo madaxda ugu saraysa DFKMG waxay yemen ka dhaceen (21/6/2005) iyo (22/6/2005), inkastoo (23/6/2005) Madaxweyne C/laahi isaga keligiis uu madaxtooyada kula kulmay madaxqweynaha Yemen Cali Cabdalla Saalax halka Guddoomiye Shariif Xasan uu ku qaabilay qolkii uu ka degganaa Hoteel Taaj Saba.

June 30, 2005: Ciidamo ka socda dunida Islaamka oo nabad Ilaalin ah oo loo dirayo Soomaaliya. Sidaas waxaa lagu go’aamiyey Kalfadhigi 32aad ee wasiirada arimaha dibadda ee dalalka Islaamka oo ay ka soo qayb galeen 54 dawladood oo kamid ah 56-da dal ee xubnaha ka ah Ururuka Islaamka, kalfadhigaas oo lagu qabtay caasimada dalka Yemen ee Sanca, (June 28-30, 2005), ciidamadaas oo ku shaqayn doona magaac Qaramada Midoobey (UN). Waxaa kale oo isla kulankaas lagu go’aamiyey in la sameeyo guddi ka socda ururuka Islaamka oo soo arka sida dib loogu dhisi lahaa Soomaaliya.

Januray 5, 2006: Madaxweynaha DFKMG, Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan Sh. Aadan, ayaa heshiis ku kala saxiixday magaalada Cadan ee dalka Yemen, heshiiskaas oo ah in ay soo afjaraan xurguftii u dhexeysey labada garab ee Dawlada Federaalka ee Jowhar iyo Muqdisho. Heshiiskaas in uu dhaco waxaa ku guuleystey madaxweynaha Dalka Yemen, Cali Cabdalla Saalax, oo labada garab ku casumay dalkiisa.

January 30, 2006: Guddoomiyaha Baarlamaanka Dawlada FKMG ayaa shaaca ka qaaday in kulanka kowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya markii ugu horeysey lagu qaban doono magaalada Baydhabo, waxana uu guddoomiyuhu markaas joogey jooga magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

February 11, 2006: Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa kulan ku yeeshay Madaxweynaha DFKMG, C/Laahi Yuusuf, Guddoomiyaha Baarlamanka, Shariif Xasan, iyo Ra’iisul wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geeddi. Waxana ay kawada hadlen kulanka barlamaanka ee qorshaysnaa in uu ka dhaco Baydhabo.

February 18, 2006: Siddeed qabqable-dagaal oo badankoodu ka mid ahaa wasiirada DFKMG ayaa waxa ay asaaseen Isbahaysi ay u bixiyeen la dagaalanka “argaggixisada”.

February 26, 2006: Baarlamaanka FKMG ayaa markii ugu horeysey ku kulmay Baydhabo, qabqablayaasha ka soo horjeedey dowlada ay ka tirsanaayeen ee ku dhawaaqay Isbahaysiga kama ay soo qayb gelin kulankaas. Baarlamaanka DFKMG waxaa Kenya lagu soo dhisay sannadkii 2004.

February 28, 2006: Muqdisho waxaa looga dhawaaqay Golaha Kacdoonka Difaaca Diinta iyo Dalka, kaas oo ay ku dhawaaqeen Midowga Maxaakiimta Islaamigu si ay uga hor tagaan Isbahaysiga la baxay ladagaalanka “Argaggixisada.”

March 21, 2006: Waxaa Muqdisho ka dhacay dagaal aad u culus, kaas oo socdey ilaa March 23keedii, dagaalkaas oo u dhexeyey Midowga Maxaakiimta Islaamka iyo Isbahaysigii la baxay Ladagaalanka “Argaggixisada”, dad farabadan ayaa dagaalkaas ku dhintay, in badana guryahoodii ayey ka qaxeen.

April 21, 2006: Xubin ka tirsan Isbahaysiga labaxay la dagaalanka “Argaggixisad” ayaa sheegay in ay dalka ka dhisi doonaan Dowlad ay iyagu maamulaan.

May 4, 2006: Madaxweynaha DFKMG, C/laahi Yuusuf ayaa Maraykanka ku eedeeyey in uu gacan siinayo Qabqalkayaasha dagaalka.

May 4, 2006: Dagaal culus ayaa markale ka bilowday Muqdisho, in kastoo ay jirtey xabbad joojin.

June 2, 2006: Kumanaan tageersan Isbahaysiga Maxaakiimta Islaamka ayaa mudaharaad ku dhigay Muqdisho ay kaga soo horjeedaan Maraykanka.

June 4, 2006: Midowga Maxaakiimta ayaa qabsaday magaalada Balcad, waxana ay ka qabsadeen Isbahaysigii la dagaalanka “Argaggixisada.”

June4, 2006: Ra’iisul wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geeddi, ayaa ayaa xilalkii ka qaaday afar wasiir oo ka mid ahaa golahiisa wasiirada, oo ah kuwii asaasay isbahaysigii la baxay la baxay dagaalanka “Argaggixisada, wasiirada xilka laga qaaday waxay jagooyinkoodu ahaayeen: Wasiirka Amniga Qaranka, Wasiirka Ganacsiga, Wasiirka Diinta & Awqaafta iyo Wasiirka Dhaqan Celinta Maliishiyaadka & Hubka ka dhigista – waxaana wasiiradaas laga saaray Golaha Wasiiradda Dowlada FKMG ah Ee Soomaaliya.

Sheikh Sharif Sh. Axmed
June 5, 2006: Maxaakiimta Islaamka ayaa ku dhawaaqay in ay la wareegeen Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. Guddoomiyaha Isbahaysiga Maxaakiimta, Sheikh Shariif Sheikh Axmed waxa uu maalintaas yiri “Waxa aan Muqdisho kusoo celineynaa nabadda iyo deganaanshaha. Waxaan diyaar u nahay in aan la hadalo qof kasta iyo koox kasta annagoo u danayneyn dadweynaha.”

June 14, 2006: Midowga Maxaakiimta Islaamiga ayaa la wareegey Magaalada Jowhar oo xarun u ahayd Qabqalayaasha dagaalka. Sheikh Shariif ayaa isla maalintaas la hadlay reer Jowhar, waxana uu u yiri “Waxaan idin wadnaa Kitaabka…”

June 14, 2006: Baarlamaanka DFKMG ayaa Baydhabo ku ansixiyey in Soomaaliya la keeno ciidamo shisheeye. Guddoomiyaha Baarlamaanka, Shariif Xasan Sh. Aaden, ayaa sheegan in cod bixin la qaaday waxaana in ciidamo shisheeye la keeno ansixiyey 125 xubnood, waxaana diidey 73 xubnood.

June 15, 2006: Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa kusoo wareegtey Midowga Maxaakiimta Islaamka.

June 15, 2006: Waxaa soo shaac baxay in Maraykanku uu Qabqablayaasha dagaalka Soomaaliya muddo 3 sano ah siin jirey lacag dhan $100,000 ilaa $150,000 bil kasta, xilli laga awood roonaaday qabablayaashii, qaarna ay ka baxeen isbahaysiga.

June 15, 2006: Magaalada New York ayaa waxaa lagu qabtay kulan looga hadlay arrimaha Soomaaliya, waxaana kulankaas lagu asaasay urur ka kooban dalalka Maraykanka, Britain, Midowga Yurub, Italy, Norway, Sweden, iyo Tanzania oo loo bixiyey “Somalia Contact Group”. Waxaana goob-joog ka ahaa UN iyo AU. Kulankaas laguma marti qaadin ururka Jaamacadda Carabta. Xoghaya Guud ee Ururka Carabta (Arab League), Camar Muussa ayaa sheegay in ay ka shiri doonaan xaaladda cusub ee Soomaaliya, waxana uu ka digey ciidamo shisheeye oo la keeno Soomaaliya.

June 15, 2006: Madaxweynaha DFKMG, C/laahi Yuusuf, iyo Gudoomiyaha Midowga Maxaakiimta Islaamiga, Sheikh Shariif Axmed, ayaa madaxweynaha dalka Yemen, Cali Cabdalla Saalax, ka aqbalay inay wada hadlaan…

C/Lahi Sh. Ismaciil & M. Cali Ibraahim

Geeddi oo mucaanaqaynaya Zenawi markii uu ka soo degey Muqdisho June 5, 2007…
——————————————————————————–

Geeddi oo fiirinaya gaariguu lagu burburiyey qayb ka mid ah gurigiisa xilli uu ku jirey halkas.. June 3, 2007
——————————————————————————–
Akhri: Waa Kuma Geeddi
——————————————————————————–

June 22, 2006: Heshiis ayaa magaalada Khartuum ku dhex maray Midowga Maxaakiimta Islaamiga iyo Dowladda Federaalka Kumeel gaarka. shirka heshiiska lagu gaarey waxaa soo qaban qaabisay dowladda Suudaan, waxaana shir guddoomiye ka ahayd Jaamacada Carabta. Kulankaas waxaa ka qayb galay wafti kasocdey DFKMG oo uu hoggaaminayey madaxweynaha DFKMG, Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo ay weheliyeen ra’iisul wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geeddi iyo Guddoomiha Baarlamaanak DFKMG, Shariif Xasan Sh. Aaden. Dhanka Midowga Maxaakiimta Islaamka waftiga ka socdey waxa ay ka koobnaayeen 10 xubnood oo uu hoggaaminayey Dr. Maxamed Cali Ibraahim. Heshiiska waxaa labada dhinac u saxiixay Wasiirka Arrimaah Dibada DFKMG, Cabdullaahi Sheikh Ismaaciil iyo Dr. Maxamed Cali Ibraahim. Qodobada lagu heshiiyey waxaa ka mid ahaa: (1) In labada dhinac ay joojiyaan hujuumka ay isku wadaan ee xagga militari iyo xagga saxaafadda. (2) Labada dhinac uu midba midka kale aqoonsado. (3) in furo maxkamad la soo taagayo dembiilayaashii dagaalka (War Crime Trial). (4) Dhawridda Midnimada Soomaaliya, iyo dhawrida wadajirka Dhulka Soomaaliya. (5) In dadka Soomaaliyeed lagu caawiyo dib u dhiska hay’adihii qaranka, dib u dejin iyo horumarin.

June 24, 2006: Kulan aad u balaaran oo ay ka qaybgaleen waxgarad, Culuma’u-diin, Odoyaal iyo dad magac ku leh dalka oo lagu qabtay Muqdisho ayaa lagu magacaabay labo gole oo ah: Golaha fulinta Maxaakiimta Islaamiga ah ee Soomaaliyeed (kaas oo bedeli doona Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah), iyo Golaha Shuurada Soomaaliyeed(ama golaha Maxaakiimta Soomaaliyeed). Sababaha golahaan loo magacaabay ayaa ah sidii howlaha Maxaakiimta loo gaarsiin lahaa dhammaan dalka oo dhan. Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa loo magacabay Guddoomiyaha Golaha fulinta Maxaakiimta Islaamiga ah ee Soomaaliyeed, waxaana Guddoomiye ku xigeenka koowaad loo magacaabay Sheekh Yuusuf Indha-Cadde, Guddoomiye ku xigeenka labaadna Sheekh C/qaadir Cali Cumar. Guddoomiyaha Golaha Shuurada waxaa loo magacaabay Sheekh Xasan Daahir Aweys, Guddoomiye ku-xigeen Sheekh Cumar Iimaan Abuubakar, Guddoomiye Ku-xigeenka labaadna Sheikh C/llaahi Afrax Aasbaro, xoghayaha Shuuradana waxaa loo magacaabay Sheikh Maxamuud Ibraahim Suulay. Golaha Shuurada ayaa ka kooban 88-xubnood kuwaasoo ka kala socda qaybaha kala duwa ee bulshada.

September 18, 2006: Waxaa magaalada Baydhabo ka dhacay qarax ismiidaamin ahaa oo lagu damacsanaa in lagu dilo madaxweynaha DFKMG, Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waxaa qaraxaas ku dhintay dhawr qof oo uu ku jirey nin ay walaalo ahaayeen Madaxweynaha DFKMG, waxaana gubtey dhawr gaari, waxana qaraxaasi uu ka dhacay meel wax yar u jirta halka uu ka socdey kulanka golaha Baarlamaanka DFKMG oo u fadhiyey cod bixin lagu ansixinayey gole wasiiro ah oo uu soo dhisay ra’iisul wasaaraha DFKMG, kulankaas oo ahaa meeshii uu ka soo baxay Cabdullaahi Yuusuf in yar ka hor intii aan qaraxu dhicin.

September 24, 2006: Midowga Maxaakiimta Islaamiga ayaa la wareegey gacan ku haynta magaalada Kismaayo kaddib markii uu magaalada ka baxay wasiirkii gaashaandhigga ee DFKMG, ahaana hoggaamiyihii Isbahaysiga Dooxada Jubba, Col. Barre Hiiraale. Waxana uu magaalada ka baxay markii ay ciidamada Maxkamaduhu soo gaareen duleedka Kismaayo, Isbahaysigii dooxada Jubbana uu u kala jabay laba garab, sidaasna ay maxkamaduhu kusoo galeen Kismaayo ayadoo aan dagaal ka dhicin.

November 26, 2006: Waa markii ugu horeysey ee Ciidamo Itoobiyaan ah oo watey ilaa 50 Tikniko ah ay galeen magaalada Gaalkacyo ee dalka Soomaaliya iyagoo ka faa’iidaysaney kala qaysanaanta Soomaalida.

December 28, 2006: Maxkamadaha Islaamiga ayaa ka Baxay Muqdisho, waxaana aarrintaas shaaca ka qaaday Sh. Shariif Sh. Axmed oo telefoon kula hadlay Telefishanka Al Jazeera, oo yiri: “Waxan magaalada Muqdisho kasaarnay dhammaan hoggaankanagii iyo xubnihii ka hawl gelayey.” Waxana uu intaas ku daray in “maxkamadaha Islaamigu ay midaysan yihiin”, waxana uu ka bixidda Muqdishu ku tilmaamay bedelaad xeeladeed. Waxaa markaas magaalaad Muqdisho galay ciidamada Itoobiya.

January 1, 2007: Maxkamada Islaamiga ayaa ka baxay magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

January 17, 2007: Baarlamaanka Baydhabo ee DFKMG ayaa kulan ay soo xaadireen 192 xildhibaan waxaa 183 ka mid ahi ay kalsoonida kala laabteen gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sh. Aadan, halka 9 ka mid ah xildhibaanadu ay arrintaas diideen, waxaana kulankaas shir gudoominayay gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Cismaan Cilmi Boqore. Laakiin Shariif Xasan Sh. Aadan arrintaas ganafka ayuu ku dhuftay.

Sh. Aden Madobe
January 31, 2007: Guddoomiyiha Baarlamaanka DFKMG waxaa loo doortay Shiikh Aadan Madoobe.. [10-Musharax ayaa isku soo taagtay Xilka Gudoominimada Baarlamaanka waxaana markiiba iska casilay 3-Musharax, waxaana tartamay 7-Musharax iyadoo Aakhiritaankii ay isugu soo horeen 2-Musharax oo kala ah Shiikh Aadan Madoobe iyo Ibraahim Max’ed Kiish Bur, waxaana 153-cod ku guuleystay Shiikh Aadan Madoobe halka Ibraahim Kiishbuur uu ka keenay 50-cod. Hase yeeshee Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa sheegay in uu weli yahay Guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG. “Xilka waxaa dhiibi karaa markii si cadaalad ah la’iga qaado oo la raaco Dastuurka” ayuu yiri Shariif Xasan oo sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya uu la heyste u yahay Ciidmada itoobiya. Shariif Xasan wuxuu sheegey inuu sii wadi doono howlihii dib u hashiisiinta ee uu ka dhex waday Bulshada Soomaaliyeed wxa uuna ku tilmaamay doorashada Gudoomiyanimda ee Shiikh Aadan Madoobe mid ay ka soo shaqaysay Dowladda itoobiya waayo waxay weligeed ku taameesay sidii uu Shiikh Aadan Madoobe uu u noqon lahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka maadaama maanta ay fursad u heshay..

June 5, 2007: Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Itoobiya, Meles Zenawi, ayaa magaalada Muqdisho ku tegey kulan aan hore loo sii shaacin oo qorsoodi ahaa oo saxaafada adduunku ugu yeertay “safar kusoo bood ah”..

June 8, 2007: Aadan Cabdulle Cusmaan “Aadan Cadde”, madaxweynihii ugu horeeyey ee Soomaaliya, ayaa ku geeriyoodey magaalada Nairobi. [Aadan Cadde waxa uu noolaa intii u dhexeysey 1908 ilaa June 8, 2007].

Col. Nuur Cadde
October 29, 2007: Cali Maxamed Geeddi ayaa iska casiley ra’iisul wasaaranimadii DFKMG, kaddib markii khilaaf soo kala dhex galay Geeddi iyo C/laahi Yuusuf.. Markii dambe Geeddi waxa uu sheegay in sabata khilaafk aay sal u ahayd Batroolka Soomaaliya. Geeddi waxa uu ra’iisul wasaare u ahaa DFKMG intii u dhexeysey November 3, 2004 ilaa October 29, 2007.

November 4 – 10, 2007: Waxa uu ahaa toddobaad ay ciidamada Itoobiya magaalada Muqdisho ka geysteen xasuuqii ugu darnaa, iyadoo wararka qaar sheegeen in hal maalin la diley dad shacab ah oo gaaraya ilaa 50 qof.

November 22, 2007: Col. Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa loo magacaabay ra’iisul wasaaraha DFKMG, waxaana lagu dhaariyey Baydhabo Nov 24, 2007.

December 2, 2007: Col. Nuur Cadde ayaa soo magacaabay golihiisa xukuumadda oo ka kooban 73 xubnood oo isugu jira 31 wasiir, 11 wasiiru dawlo iyo 31 wasiir xigeen. Maalintii xigtey waxaa soo baxay in wasiiro uu magacaabay ay is-casileen iyagoo tilmaamay in markii la soo magacaabay aan lala tashan iyo in aan magacaabista wasiirada la waafajin nidaamka 4.5 ee ay ku salaysan tahay DFKMG ee awood qaybisga Qabiilooyinka, waxaa kale oo soo shaac baxay in beelo Soomaaliyeed aysan ku qanacsanayn habka loo soo dhisay golaha wasiirada. Col. Nuur Cadde safarkiisii ugu horeeyey waxa uu Dec 5, 2007 ugu ambabaxay magaalada Addis Ababa.

December 2, 2007: Hay’adaha u dooda xuquuqda Insaanka ayaa sheegay in sannadka 2007 tirada dadka Soomaalida ah ee lagu diley Soomaaliya in ay gaareyso ilaa lix kun (6000) oo qof. [Tirada la diiwaan geliyey waa 5,930 oo dhimasho ah, 7,980 oo dhaawac ah iyo 717,784 oo barakacay.]

——————————————————————————–

TAARIIKH KOOBAN: SOOMAALIYA & ITOOBIYA::::

Soomaalidu ma aqoonsan heshiiskii ay galeen Ingiriiska iyo Itoobiya ee loo yaqaan “Anglo-Ethiopian Treaty ee 1954″, heshiikaas ay itoobiya ku sheegatay dhulka loo yaqaan Hawd oo dhigayey xadka cusub ee la sameeyey. Waxaana dhacdooyin ka bilowdeen Hawd lix bilood gudohood markii Soomaalida qaarkeed la siiyey xornimada (1960).
February 1964: Ayaa dagaal ka bilowday xadka la sameeyey ee Itoobiya iyo Soomaaliya. Itoobiya waxa ay diyaarado ku duqeeyeen meelo ka mid ah gudaha Soomaaliya, waxaa dagaalkaasi qaboobey bishii April 1964 kaddib markii ay Suudaan oo garabsaney ururkii OAU soo kala dhex gashay. Waxaana la isla gaarey xabbad-joojin.
1964: Itoobiya iyo Kenya waxa ay wada geleen heshiis u gaar ah, kaas oo ku saabsanaa sidii si wadjir ah ay isaga kaashan lahaayeen iska difaaca Soomaaliya, maadama ay labadaas dalba haystaan dhul Soomaaliyeed (NFD & Soomaali Galbeed), heshiiskaas waxa ay cusboonaysiiyeen sannadkii 1980, waxana ay mar saddexaad cusboonaysiiyeen August 28, 1987.
July 23 1977: ciidanka Soomaaliya ayaa galay dhulka Soomaaliyeed ee xabashu gumaysato ee Soomaali Galbeed. Ethiopia waxa ay taageero militari ka heshay dalalka USSR, Cuba iyo Libya. Dagaal khasaare badan geysey ayaa dhexmaray Somali iyo Itoobiya.
November 1977 Soomaalidu waxa ay eryeen Ruuskii ku sugnaa cariga Soomaaliya. Waxana ay Soomaaliya markaas mucaawino weydiisatey USA iyo UK. USA waxa ay ogolaadeen oo qura taageerida aadaminimo, halka UK ay Soomaaliya siisay mucaawino aadamino iyo hub intaba. OAU ayaa isku deyey in ay wadahal soo qabanqaabiyaan laakiin waftigii Soomaaliya ayaa kabaxay wadahadalkii. Itoobiya waxa ay bilowdey habkii lamagbaxay “scorched earth” oo afsoomaali ahaan u dhiganta “dhulka u cadayn sidii laf hilibka laga xaquuqay” kan oo ahaa in lasumeeyo biyaha, la laayo xoolaha, dhulka ladeganyahay dadka iyo duunyada laga barakiciyo, taas oo dhanka ka ahayd (SALF). Taageero ay Itoobiya ka heshay Ruuska awgeed waxa ay dib u qababsatay Soomaali Galbeed (Ogaden) markey taariikhu ahayd March 15, 1978, dhulkaas oo ay ilaa hadda (2006) gumeysato.
June 30, 1982 ayey ahayd markii ay ciidamada Itoobiya oo garabsanaya Jabhadii Soomaaliyeed ay soo weerareen magaalooyin ku yaal xadka, waxana ay qabsadeen magaalada Balanballe. August 1982 ayey markale weerar soo qaadeen Itoobiyaanku waxana ay qabsadeen magaalada Galdogob oo 50 km oo keliya u jirta Magaalada Gaalkacyo. Weerarkii xabashidu ku soo wadey Soomaaliya waxa uu istagey kaddib markii uu Maraykanku gargaar degdeg ah oo Militari uu siiyey Soomaaliya. Laakiin labadii magaalo ee Galdogob iyo Balanballe waxa ay ku sii jireen gacanta Itoobiya, magaalooyinkaas oo maamulidooda ay isku qabsadeen Itoobiya iyo Jabhaddii SSDF, taas oo sababtay in Itoobiya ay burburiso jabhaddii SSDF kaddib markii ay dantii ay lahayd ku gaartey oo ahayd dhulkii ay hore u haysatey in ay ku sii darsato dhul kale.
April 1988: Itoobiya oo markaas colaad kaga furnayd Eritrea ayaa ogolaatay heshiis ay la gashay Soomaalida. Heshiis kasta oo lala galay Soomaalidu marna kama tanaasulin sidii ay usoo ceshan lahayd dhulka ka maqan ee gumaystayaashii hore ay ku wareejineen dalalka deriska la ah Soomaaliya, Arrimhaas soo taxnaa waa kuwa markasta cakiraya in nabadda Soomaaliya ay hore u socoto.
TAARIIKH HORE EE SOOMAALIYA::::

1,500 BC Fircoonkii la oranjirey Seankhane Menthuhoteps IV ee Thebes ayaa sahan safar badeed usoodiray xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo loo aqoonjirey dhulkii uduga “The Land of Punt.”
7-900 AD Carab iyo Beershiyaan [Persians] ayaa xiriir layeeshay jaaliyaadihii kunoolaa xeebaha Saylac, Muqdisho, Marka iyo Baraawe.
1528-35 AD Ahmed “Gurey” ayaa dagaal lagalay Abyssinians isagoo siweyn isaga difaacay ilaa ay usoo hiiliyeen ciidan hubaysan oo Bortuqiis ah [Portugese musketeers].
1889 Kadib markii ay heshiis galeen Suldaano iyo Ingiriiska ayuu Woqooyiga Soomaaliya ka dhaqangeliyey Somaliland.
1894 ayaa heshiiska loo yaqaab “Tripartite Accord” waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.
1899 Maxamad Cadulle xasan ayaa la dagaalamay wadaamada Ingiriiska [British], Talyaaniga iyo Ethiopia.
1940 Talyaaniga ayaa qabsaday dhulkii ingiriisku qaatay ee Somaliland, qabsashadaasi muddo badan masii jirin.
1947 Waxaa la asaasay xisbigii dhallinyatada Soomaaliyeed ee SYL [Somali Youth League], oo ahaa xisbigii siyaasiga ahaa ee ugu horreeyey Soomaalida cusub.
1950 Qaramada Midoobey [UN] ayaa dhulkii talyaanigu haystey ogolaatay xorimo gaarsiin oo uu talyaanigu sii hayo.
1955 Ingiriiska ayaa gobolka loyaqaan Reserved Area (Ogaadeenya) iyo Hawd kuwareejisey Itoobiya.
1960 bishii June 26keedii ayaa dhulkii ingriisku u bixiyey Somaliland ay kaxorowdey xukunkii Ingiriiska. bishii July 1deedii isla sanadkaas ayaa Soomaaliya intii uu Talyaanigu u bixiyey ItalianSomaliland ay xorowdey, markaas ayaa labadaas qaybood midoobeen.

——————————————————————————–

Intii ka dambeysey shirkii Carta (Jabuuti) ee 2000 waxaa Soomaaliya soo maray 7 ra’iisul wasaare iyo ku simayaal oo kala ah:

Cali Khaliif Galeyr: October 8, 2000 ilaa October 28, 2001
Cusman Jaamac Cali: October 28, 2002 ilaa November 12, 2002 [ku-sime]
Hasan Abshir Faarax: November 12, 2001 ilaa December 8, 2003
Muxamed Cabdi Yuusuf: December 8, 2003 ilaa November 3, 2004
Cali Maxamed Geeddi: November 3, 2004 ilaa October 29, 2007
Saalim Caliyow Ibrow: October 29, 2007 ilaa November 22, 2007 [ku-sime]
Nuur Xasan Xuseen : November 22, 2007 – ilaa hadda

——————————————————————————–

Akhri Qoraalada: Bilicda Soomaaliya…..

——————————————————————————–

ISHA: Reuters | onwar.com | Xagaryare | wikipedia.org | http://www.cia.gov | infoplease.com | swan.ac.uk | Somalia shalay & Maanta | Madaxweynihii hadafkiisa gaarey | Siyaad Barre | Sunta Soomaaliya | DRAFT: Axdiga DFKMG | Calanka Soomaaliya | Taariikhda Nelson Mandela | Ansixintii May 2005 | Zenawi vs Soomaalida | Khubadii C/Lahi & Kibaki ee Sagootinta | Kulankii yemen oo Guul Daro ku dhammaaday | Baarlamaanka FKMG ah oo dagaal dhiig ku daatay ku diiday ciidamada safka hore. | Ciidamo ka socda Dunida Islaamka oo Loo dirayo Soomaaliya | C/Laahi Yuusuf iyo Sheikh Shariif Axmed oo Yemen ka ogolaaday In ay Wada Hadlaan | C/Laahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo Heshiis ku kala saxiixday magaalada Cadan | Heshiis Khartuum ku Dhexmaray Maxaakiimta Islaamiga iyo DFKMG |Qarax ka dhacay Baydhabo oo lagu damacsanaa in lagu dilo madaxweynaha DFKMG | Maxkamadaha Islaamiga oo La Wareegey Magaalada Kismaayo | XASUUQII WAGALLA | Xasuuqii taliskii xabishidda ee Boorama 30 Janaayo 1984.| Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo galay Galkacyo |Geeddi oo is casilay | Col. Nuur Cadde oo La Dhaariyey | Khudbadii ugu Horeysey ee Ra’iisul wasaaraha Cusub ee DFKMG iyo waraysi safiirka DFKMG u fadhiya Shiinaha.. |Madaxweynaha DFKMG oo khudbad Xasaasi ah oo dhinacyo kala duwan taabaneysa ka jeediyey Baydhabo | C/Laahi Yuusuf oo Xukuumadiisa ku Guubaabiyey sidii ay uga hor tegi lahaayeen Xawaaladaha iyo WFP… Akhris/cod.. | Col. Nuur Cadde oo Magacaabay Gole Ka Kooban 73 xubnood | Sawirada: Yahoo & Google Serach.

Faafin: SomaliTalk.com | Updated Sept 2006 | Updated: Dec 2007

——————————————————————————–

*Sixid: Inqilaabku wuxuu ku qorshaysnaa inuu dhaco April 12, 1978, laakiin wuu ka soo hormaray oo wuxuu dhacay taariikhdu markay ahayd April 9, 1978 waana uu dhicisoobay. [Waxaa markii hore qorayd in inqilaabku dhacay April 12, 1978, laakiin sida uu nasoo xusuusiyey Abdifaysal M.Gaanni waxa inqilaabku dhacay April 9, 1978.]

**SIXID: Dalalka Afrika ee xorta ahaa 1962 ma ahayn afar waddan oo keliya, balse Mondela waxa uu khudbadiisii 1962 ugu mahad celiyey afar dal oo ka mid ah kuwa xorta ah oo ka qayb qaaday halgankii dadka k/afrka. Waxaa arrintaas nasoo xusuusiyey Sabriye M. Muuse, sidaas
email:rabadaan1@hotmail.com

7 comments on “bogga murtida

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s