Qisooyin

Maxa ka dhigay Dunidaan qiso!!! [Qiso]May 12, 2008 at 2:46 pm · Filed under Qisooyin

Maxa ka dhigay Dunidaan qiso, Qisadana maxay aniga isameysa waqtiga xun iyo waqtiga fiicanba midna iima hiiliyo , Habeenkaas waxan ka soo kacay guriga Farxiyo kaygana aan usoo socday waxan la kulmay tuugo, Tuugadaas waxa ay iga qateen Telefoonkii, hadii ay sooqa geystaan ku helayn lacag oo wax uu ugu yalo aysan jirin balse aniga wax badan ayuu itara, waxan ka wacdaa qoftaan jeclahay, waxa iga soo waca Cidayadii markii ay yimadaan magaalada, habeenkaas telephone kaygii meysan calfan aniganaga iimaysan dayn, waxana igu dabaysay markii ay madaxa igaga dhufteen Telefoonkii ayagoo i dhahaya maxad usoo qaadan weyday telefoon fiican, wajigaygana waxa qariyey dhiiga, kadib waa ay iga tageen halkaas waxa igu soo garay labo arin oo mucjiso ah mar waxa ay iga qateen telephone kii, waxan ka naxsana meesha aan kala xariiri doono qoftaan jeclahay iyo Cidayadii madaba aan heysan dhaqaale aan ku gato mid kale .Marna waxa ay ii geysteen dhaawac, Ma aan heysan dhaqaale aan ku aado Doctor, waxan imid gurigaan daganaa waxana toosiyey sxb kay ila daganaa markaas oo seexday fiidkii

sxb kay wuxu isoo qaaday dhuxul wuxuna iga saaray Madaxa laakiinse Habeenkaas waxaan la seexan wayey kaar aad usiyaado ah, saxib kay hassan mohamud habeenkaas wuu ila dhafray , waaga markii uu baryey Reerka aan ka daganeyn Qol single ah ayaa xalay oo dhan maqlayey Sharqanteena iyo markaas anigoo dhahaya war si xun ayeey ii dileen daqarka igu yaala waxa kasii daran dhibta ay ii geys teen oo ah jir dil, Maamo Xaawo waa hooyo aad iyo aad u naxariis badan waxa ay isiisay lacag 1000 ah waxana ay igu tiri lacagtaan qaado oo waxad ku aada dhaqtar isku soo dhufo cirbadda Teetanada, waxan aday isbitaal aan iga fageen aniga iyo sxb kay hassan oo igarab haya ayaan tagnay, markii uu igu dhuftay cirbada ina soo siiyey kaniiniyaal madaxana igaga xiray Faashad, oo aan kasoo baxay iridka una sii socono Guriga aan daganaa waxan la kulmay Farxiyo oo gadanaysa Adeeg, waa ay igu naxday waxayna ku noqotay lama filaan waayo Caaway waxa ay dhowraysaa in aan u tago, Run ahaanti kulankeedi waan ku farxay waayo mar hadii ay aragtay Dhibta isoo gadhay in ay ogaato in aan u imaan karin inta aan Buskoonayo, Farxiyo horay ayeey nosoo raacday waxan soo galnay Guriga aan daganaa ayadoo noogasheekaynaysa saxib kayna oga sheekaynaya dhibta aniga isoo gaadhay ayaan soo galnay guriga sxb kay wuxu la soo baxay Furaha Qolka, Qolkayaga Albaabkisa waxan ku Qoranay Well come to Royalt House, waxa ay ku mushquushay Guriga magaca ku qoran waxa ay soo gashay Gudaha, Qosol ayeey la dhacday waxa ay ku qososhay Magaca guriga ku qoran iyo Guriga qaabkiisa

Guriga aan daganahay waa Single, waxana nooyala aniga iyo sxb kay hal Jooradari iyo Dirin aan ka dhiganay Mushamac, Xitaa nooma yaal Television, Farxiyo waxa ay igu tiri Gurigaan ma kaaga, sxb kay ayaa yiri haa kuso dhawow Royal house waxan ku iri waxad la yaabsan tahay guriga aan daganahay balse wax badan ayaa ku dhiban markaad wax ka ogaatid nolashayda, Farxiyo kuma aysan qancin guriga aan daganahay waayo guriga dhalinyarada anigoo kale ah waxa ay dagan yihiin guryo Qurux badan waxana uyaala Sariiro soo jiidasho leh mesha ay ii taalo aniga Jooradiga, waxana ay dhigtaan mushamac indha uroon,waana meesha aan aniga ka dhigtay Dirinta, waxa u yaala Television ay aqbaarta iyo Filimaanta kala socdaan,waana meesha aan ka soo gatay Raadiyaha sidaan ogola socda aqbaarta,Mesha aan filin ka dawan laheyna waxan sameynaa waan wada shekaysanaa ilaa xili danbe aniga iyo sxb kay Hassan

Farxiyo waxa ay waday Adeeg quracda waxayna igu tiri waan isku imaanaynaa brother wana ku soo booqanaya, hadda waan kasii tagayaa waxan ka xumahay qoftaan jeclahay masii dhaweyn karin, laakiinse sxb kay ayaan kusii daray isaga ayaa ilaa xaafadeedii sii geyey,

Farxiyo iyo aniga maanu kulmin ilaa Toban caasho, Anigana ma aan adin yadana waxan ka filayey in ay ii timaado maalin ba maalinta ka dibaysa waxan dhahayaa mantay ayeey ku imaanaysaa, waxa idilay isku xilsaarka xagaajinta guriga sidi madexdii ayaan usugayey, lakinse gabolku wuxu ii dhacaa ayadoo ii imaan,

Farxiyo waa gabar qurux badan, waana qof dheer, Midabkeedana waa qof Aad iyo aad u cad mana ahan Gabdhaha isticmaala daawooyinka jirka lugu qurxiyo balse waxa ay leedahay Natural Color, Natural stracture, Habeen habeenada ka mid ah waxa ay ka qeeb qaadatay Gabar ay isku xaafad yihiin Aroos keeda, Farxiyo waxa ay u dhalatay Qurux iyo soo jiidasho balse waxad moodaysaa habeenkaas in ay kaduwaneed intaas oo wax usii dheraayeen waad garan kartaa dumarka markii ay soo adayaan aroosyada, Farxiyo waxa ay meesha kula kulantay Wiil kayimid dibada oo ay isla jocdeen wiilka aroosaya Gabadha Farxiyo waxa ay is barteen habeenkaas Mohamed farax, waana habeenkaan aniga sugayey nasiib xumo balantii aan isla laheyn waxa ay kula kulantaa nin kaan cusub ee ka yimid dibada, Farxiyo iyo Mohamed Farax waxa ay go aan ku gaareen in ay is aroosaan, Toban casho kadib waxan aday Farxiyo gurigeeda Taariikhduna ay tahay 2002 bishii 11, wili madaxayga waxa ku xiran

faashadii, Guriga waxa iga furan Guled waa wiil ay isla dhasheen gulee soo dhawoow ayuu iyiri waxan meesha ku salamay habar yarteed iyo caruuro yar yar, waxana fariistay Fadhiga markaas waxa ay Reerku daawanayeen Television ka kenya oo layiraahdo KTN waxana ay ka daawanayeen Mudaraaad sababay markii ay Dowlada ay dudumisay Guryo badan oo lugu magacaabi jiray isku raran iyo meelaha ay dowladu leedahay oo sida sharci darada ah loo dhistay wadooyinka oo layska dhistay, waxan ka naxay masakiinta laga duminayo guryadooda iyo meelaha ay ku ganacsanayaan, warba ma aan hayo ileen waa habeen xitaa aniga nolashayda ay dun dumayso, si kadis ah waxa Qol kasoo baxay Farxiyo iyo Saxib keeda cusub oo qosol oga soo baxay qolka lakinse Guriga waxa ay kusoo sameyeen ma garanayne qosolkana ma aan fahansaneen balse markii aan arkay waxan dareemay in aan isku mid nahnay Masaakiinta Dowladu ay guryahooda dumisay iyo anigaba

Farxiyo waxa ay igu tiri iska waran Hanadow waxana iri waan ladanahay kadib way idhaftay, oo wiilka lasocda markaas aan isalaamin ayaa iridka kawada baxay, cabaar ayeey tagnayeen Banaanka anigana waan iska kacay Reerkiina waan macsalameyey, Farxiyo iyo wiilkii oo qoslaya ayaan hadana kusii maray meesha waxa ay igu sii tiri Hanadow ma tagtay walaal waxana iri ahaa haye soo dhawow guriga gurigaagi weeye waxan iri nabaday waan sii cararayaa, waa habeenkii nolashayda aan kuleel laseexan wayey, Niyadayda ayaan waxan iska dhaadhiciyey Ragga Dibadaha ka yimaada maxay naaga nala jooga nugu cariiriyaan may guursadaan kuwa dibadda lajooga waayo kuwaan anaga ayaa xaq uleh, lakinse naftayda habeenkas si kasta wax ayaan oga dhaadhiciyey balse waa ay samri wayday

Nolashii Farxiyo iyo aniga waxa sadexyeeyey Masiibo doolar iyo dibad ka yimid, balse nolasha kama aan rajo gabin,,waxan iska dhaadhiciyey ilaa aad dibad ka tagayso Gabar Afrika joogta ha shukaansan waayo nin dibad ka yimid ayaa leh, marna waxan iska dhaadhiciyey waxa laysku jecel yahay lacag ee lacag tabac marna waxan iska dhaadhiciyey Nin ayaad tahaye qoftaas soo xero gasho wax kasta ha kugu qaadate,Run ahaantii Farxiyo iyo aniga waxa na dhex maray Qiso bal qisadan waxan oga bogon doona qeebta sadexaad hadii alle idmo

Ku Caashaqaye maxan ku calfan wayey ( Qaybtii sadexaad )

Nolasheyda sadex meelod labo waxan ku soo qaatay Baadiye, waxan ku nolaa nolol
sabool nimo ah lakinse waxad moodeysay in aan ku qanacsana waayo waxan ku jiray
xaydaam aan laheyn hormar iyo fakar, lakinse nolashayda meel waxan ku jirey aduun
dhalaalaya Qisana xabaarsan oo u baahan in lagaaro luguna gaaro laba arin mid waa
hanti midna waa wax barasho iyo hormar, dhanka hantida waxa iga saarna block adag
waayo Familiga aan ka dhashay waxa ay ubadan yihiin baadiyaha, taasna waxa ay
keentay caqabad weyn, dhanka wax barashada waxan hantay in aan dadaal ku gaaro kuwa
inbadan wax barasho ku jiray, lakinse wax barashadaydii waxa la soo gudbonaatay
niyad jab aad u siyaado ah mid waa qoftaan jeclaa oo igaga dhaqaaqday wadada mar waa
sabool nimo, markii aan ado schoolka waxan aqrista journalada kasoo baxa wadanka
kenya oo ay ku qoran yihiin college ama
school tayo badan leh lakinse cuuryaan waxa igu noqday dhanka dhaqaalaha,

Wax barashadii waxan la wadi waayey jaceylka aan u qabo farxiyo ahmed, waxan isku
arkey dhibaatoyin badan oo aan ka fiicna markii loo fiirsho sanadihii hore fakar ad
iyo aad usiyaado ah ayaa lasoo daristay noshaydii, xitaa marar ka qaarkood waxan ku
fakaraa anigo wadada maraya, ciqaabta jaceyl oo iheysata waxa ay keentay in galab
aado Farxiyo, farxiyo galabtaas ad iyo aad ayeey uqurux badneed waxa ay laheyd
structure ka duwan kii hore waxan soo xasuusta galabtii aan bartay farxiyo lakinse
shacuur ka gadisan kii hore ayaa labadeena nasoo dhex galay, farxiyo waxa ay rabtay
in aan oga waramo xaalada guud balse anigana waxan rabay in aan farxiyo aan kala
hadlo arintayda dhibta iyo rafaadka aan ku qabo, salaan kadib waxan bilabay in aan
farxiyo jaceyl kayga in uu yahay mid run ah balse ay ila fahanto xiliga iyo samadka
lugu jiro waxana iri,

Farxiyo run ahanti waxad tahay gabdhana mid aan ka caashaqay, caashaqan ku caashaqay
mahan waan ka helay oo kaliya balse waa mid lilaahi ah waana mid aan kaa doonayey
mustaqbal, run ahaanti in aan ahey nin iska danyar ah waan ogahay balse waxan ahay
wiil dhalinyaro ah oo dadaalaya ogna in uu rabi yahay kan wax baxsha jaceyl kaan ku
qabo waa mid aan ka gool gaari karo ujeedooyinka aan rabay oo dhan, balse waxan ka
raba in aad noqotid mid igu tageerta jaceyl ka aan ku qabo ina dhiira galisa, si aan
nolasha ugu sameyo isbadal dhab ah, intaan hadalka sii watay waxa iga dafay hadalkii
Farxiyo Hanadow mantay oo dhan waad hadlaysay balse run ahaantii isma caashaqi karno
waayo aniga waxan ahay gabar waxana rabaa qof xoolo leh si aan u helo mustaqbal aan
fakar laheyn, hadda ma qolkaan ogaa ayaan kula seexda mise nolasha aad ku jirtid
miyaan kula qeebsada waa maya hadda dhagahaga fur aniga iyo adiga wixi walaal tinimo
ah yes hadii aad doonaysid guur iyo wax aan dooneen aniga diyaar uma aan ihi
baabkaasna iga xir hadii aad walaal tinimo aan isku xariirinayno waa ok hadii aad
diididna you can go

Intaan lataagna oo aan siin wax jawaab ah waxa yimid wiil kii ma aan jecli in aan
magaciisa had iyo jeer ku dhawaaqo waayo waa nin arqalad igu noqday, waana nin
masiibo ku ah Jaceyl kay, wuu nasalamay wuxuna isoo tagay Gacantiisa ma aan jecleen
in aan gacantiisa taabto balse waxan diidana in aan iska dhigo daciif haddana wuxu
salamey Farxiyo lakinse salaantu salamey farxiyo waan ka maseeray waayo Farxiyo
dhoorkii cisho aan shukaansanayey waligeed ima salemin balse wiil kaan weysalaantay
waayo waxa looga xilanayaa dhoor arimod Mar waa nin kayimid wadan Gabdhaha Afrika ay
tixgaliyaan Marna waa nin iga Daqli Roon salaan kadib wuxu siiyey Bac qurux badan oo
kor ka ay oga sawiran tahay Nakumatt Supermarket oo ah Supermarket ka igu qaalisan
wadanka kenya waxana ku jirey Shoobino kala duwan lakinse waxan dareemey Nin xoolo
leh in uu ka power sareeyo balse aan ilaah uwada simanahnay, Waxan ku iri Farxiyo
waa meeqo saac waxa ay igu tiri waa Kow iyo toban kii iyo Bad 5:30 Galab nimo waxan
iri Qoraxdadana fiiri waxa ay igu tiri Godka ayeey siigalaysa, waad saxan tahay
marna waad qaldan tahay marwaad saxan tahay oo waqtiga waad isheegtay iyo in ay
qoraxdu dhaceyso balse waxad ku qaldan tahay qof ku jecel oo lilaahi ku ah kuna raba
in aad ku nacday xoolo la aan balse waqtiga ayaa cajaa ib ah, maantay mahane maalin
kale ayaan is wareysanayna waqtiga xasuusnow. kadib waan iska dhaqaaqay waxan ay iga
sii daba dhaheysay war maantay ayaan ku rabin birina kuma rabaro jaceyl kaad
sheegeysid jeebka gasho, nin kii masiibada ahaana wuu iska aamusay

Maalintaas waxa Raadsaday Shaqo si aan galina u shaqeeyo galina aan wax ubarto,
waxan Shaqo ka helay Maqaaxida weyn ee Masha allah, Shaqadaan waan ku Faraxsana
waayo lacagta aan ka helayo Maqaaxida waxan rabaa in aan ku aado School fiican si
aan wax barashada meel wacan oga gaaro, Shaqadii maqaxida aan ka helay waxan ka
noqday Kabayeeri Qaasatana Dhanka Haweenka, Galinka hore waxan ka shaqeeya Maqaxida
galinka dabana waxan ada College lugu barto Computer ka isla markaana waxan sameyey
Dadaal dhanka waxbarashada, Subax subaxyada ka mid ah waxa igu yimid Maqaaxida Gabar
Markaas indho shareer xiren iyo Nin kii masiibada ahaa ee Farxiyo iga dhacay Mahamed
Faarax, gabadhaas iskama aysan furin indho shareerka balse markii aan arkay mohamed
faarax waxan usafirtay in ay tahay Farxiyo waxa ay iga dalbadeen Qoraac beer ah waad
garan karta in xogaa lasugayo inta la jar jarayo iyo inta la sheelayo beerka balse
Farxiyo waxa ay lasoo baxday Dabeecad adag oo qalafsan maad quracda nokeentid maad
shaqeysatid shaah nokeen sokor malahan, cabitaan maxa yala waxan ku iri waxa Yaala
Liin, Cabbe, Saytuun, Afakaadho, Mushakal balse wax ay iska dhigtay in aysan maqleen
kuceli ayeey itiri hadana waan ugu ceshay marsadexaad ayeey itiri ku celi hadana
waan ugu celiyey anigoo ilaalsanaya Shaqadeyda kadibna waxa ay igu tiri iska dhaaf
waayo Cabditaanka aad isheegeysid ma aan fahmin marka quraxda nokeen, Ninka lasocda
wuxu ku qoslayaa ama uu ugaran wayey naa wiilka sidaas maxad ugu galaysa waxa uu ku
faraxsanyahay Jabka markii aan quracda u keenay hadana waxa ay ugu bilowday sifiican
loomashiilin iyo cel balse waxan ku iri waad edab daran tahay hadii aad cuni karin
iskaga bax meesha aniga waan ka xeshooday balse isticmaar kuma aan ihi

Qaylo kadib waxan isku maan dhaafnay Mulkiilihii Maqaaxida oo qayladeena soo raacay
balse waxan ku iri waqtiga ay timid ilaa hadda waxa ay igu heysaa wax aan garan
wayey kana xun iyo kanaa sidaas ah waana fahmi wayey qoftaan xinif hore ayaa naga
dhaxaysa balse aniga wanaag ayaan uqaba wili balse ayadu way garan wayday waxan ugu
adeegayey si ka duwan dad ka waayo waxa ay iga mudan tahay qadarin balse ayada waxa
ay ugula dhaqantay si qof yuxush nimo ah waxa igu qayliyey oo iyiri shaqayso ama
meesha iskaga tag nin kii Maqaxida lahaa balse waxa ila soo gudbonaatay Dantaada
Maqaar Ey baa loogo seexda aniga waxaan qaatay Amarka Boss kayga balse Mohamed
Faarax ayaa hadlay oo yiri Gardarada Gabadhaa ayaa leh oo wiilka sifiican ugula
dhaqmin marka wiilku malahan qaladka isaga, Maalintaas ka hor Mohamed Farax waxan
ogaaday in uu yahay nin ka duwan qoftaan waayo qoftaan waxan oga baahna hiil,
hiilkaasna waa jaceyl Mohamed Faaraxna wuxu isameyey Hiil hiilkaasna waxan ku sugna
in aan shaqada layga cayrsho waayo Mulkiilihii wuxu iga Fahmay si kale oo dhibta ay
ii geysatay waxa ay sameynaysaa shaqadayda, Farxiyo maalintaas wixi kadabeyey waxan
ka jaray niyadayda Farxiyo iyo aniga waxa nasoo mareyey Qiso xabaarsan Xigmad balse
kuma aan dayan lasoco sheekada qeebteeda afraad

Akhristayaasha Qiima iyo qadarinta mudan waxan ka cudur daranayaa wixi dhanka
qormada ah, talo iyo tusaale waad isoo weydiin kartaan adinko isticmaalaya Email
kayga aan hoos ku qoran mudnaanta waxan siiya aqristayashayda shanta qaradood kala
jooga sidoo kale website yada aad kala socotaana waa kuwa ila garabtagan had iyo
jeeer in ay soo bandhigaan dhamaantiin waad mahadsantihiin

Xigasho: mareeg.com

rabadaan1@hotmail.com

6 comments on “Qisooyin

  1. walal waxad iga hantaa salan salan kadib walal aad ayan uga xumahay dhibka kusoo gadhay aniga oo markan aqrisanayeye aad u murugooday lakiin wa nasiib daro walal marka aad ayan kugu so hadbaliyeynayah in ay jwb fican ku siso madamad jeecel idin ka dhexeyey by

  2. walaal marka hore waan ku salaamey salaan ay isku diraan muslimiinta salaanteeda ugu qaalisan oo ka kooban 114 quraan ka kariimka salaan kadin :
    walal marka hore aad iyo aad ayaan uga xumahey dhibka kusoo gaarey oo kaaga soo gaarey qofka aad jecleed oo aad karabtey in ay noolasha kula garab gasho laakiin se nasiib xumo ay kuu garan weydey taas.

    waana kuu hambalyeynayaa dulqaadkaga aad ka u fiican ilaaheyna mid kheyr qabta waad ka heli doontaa oo samirka waxlafiican malahin.
    waadna ku mahadsantasey maadaama aad ku dayanin farxiyo.

    walaal runtii markii aan akhristey qisadaada 100% waan kaxumaadey dhibka ku soo gaarey laakiin se waad kaguuleysatey oo jaceylkaaga waxa uu ahaa mid daacad ah halka uu farxiyo jaceylkeeda uu daacad aheyn oo ay ka aheyd lacagdoon , balse walaal maanta hanti wax matarto iyo quruxba oo waxaa kafiican adigoo hela qof aad isku kalsoontihiin oo noolasha dhibkeena iyo dheefteeda kula qeybsanaayo

    walaal hada dad ka jooga waxa ay qadariyaan dadka yurubta jooga laakiinse waxaa kafiican anagoo qadarino qofkasta oo noo daacad ah meelkastaba hajoogee .

    walaal waxaad ogaataa jaceylka in uu faqiir iyo taajir uusan laheyn xataa usan laheyn aqoon yahan iyo jaahil oo ay uwada siman yihiin laakiin se dadka siqaldan ayaa ay ufahansanyihiin jaceylka waxa uu yahey ,

    walaal ilaahey hana soo hanuuniyo haddii aan gabdho nahey oo jaceylka dhabta ah ilaahey hana baro oo wadadeeda hana marsiiyo .

    walaal waxaan kugu waaninayaa in aad iska cafiso haddii uu ilaahey calaf iskukiin darin oo kheyr keeda ayaa uu ilaahey kusiini insha alaah , dadka sidaas kudhaqmaayana waxaan kawaaninayaa in aysan sidaas iska daayaan xataa ay iska hubiyaan in qofkaan uu daacad uyahey iyo in kale.

    walaal waad mahadsantahey 100% maadaama aad qisadaada sharafta leh aad noosoo qortey oo ay tahey ku cibraqaadasho ama ku waana qaadasho ilaaheyna hanasoo hanuuniyo oo kiwii ku waano qaata hanaga yeelo insha alaah laakiin walaal waan kaxumahey qeebteedii afaraad maan akhrisan oo waxaan jeclaan lahaa in aan qisadaada aan dhameysto oo aan ogaado meesha ay ku dhamaatey .

    walaal kheyr ayaan kuu rajeynayaa iyo calaf nasiibleh inshalaal
    byyyyyyyyyy sorry magaceyga waa naciimo barasho wanaagsan

  3. Asc Walalke Waxan kugu salaamaya salanta mida ugu qalisan e islamka isku salaman.Ad ban uga xumaay runtii dhibka kuso gaare .Anigaba wil ban ad u jeclahay asne wuw ijecla lkn waxa naso kala dhaxgalay garan la ahay 2010 ila iyo hada walaahi kama bogsoon jaceylkisa weli sidii iyo si kadaran ban u jeclahay habeen iyo malin masawirkisa egtaa adiga sababta wadba ogtahay o lacag be ehed ad ban uga xumahay xaqiqdi lacag ma la isk jeclaado ilaah garabkaga ha galo walalke samirka badso insha allah wad heleysaa qoftada salaada badso ilaahey bari waxbamaka halawayan niyada ilah ku dajinaayo

  4. ASC sln kadib sxb aad iyo aad ayaan ugaxanuunsaday arintaada waana qiso aad ii taabatay wllhay gabdhaha africa jooga waxaa iskaleh nin dibada ka imaaday iyo nin hanti haysto waana arinta aadka nooniyad jabisay dadkaanaga wali africa joogan sxb aniga xaataa mar ayaan waxaan isdhahaa gabar haba lasheekeysan adigoon qurbaha tagin ama hanti aana yeelanin sikastaba naag waa ina lacag waxayna kadanbeeyaan hanti bas ah isku soowada duuduuboo arintaa kal kumatihid wiilal badan ayaa saas kudhacday marka iska samir ogoowna illaahay waad usimantihiin adiga iyo kanhantida leh samirna sxb alaa kuugargaaridoona, baaq, nimanka qurbaha ka imaanaaya walaalayaal wiilasha walaaladiin ah eed noolasha kagacayaaraysan iskadaaya oo barakaca nagadaaya…kkkkkkkkkkkkk

  5. oooooooooomg sxb insha allh wad ka guulesan blse aniga sheekdan wxay kugu dhcday mudo 5 sano ka hor ban filaya blse aniga aniga wxn aqrisanaya cawa oo ay thy 11-november-2015 aad ban uga xumaahy blse
    wad guuleesan karta hadad nin iska dhigto nolashana
    heer wad ka gari karta ee nin iska dhig

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s